Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday qaar kamid ah golihiisa wasiirada ,isagoo sidoo kale magacaabay wasiirro cusub.
Wareegtada uu soo saaray madaxweyne Laftagareen ayuu ku magacaabay 15-wasiir oo isugu jira wasiiro, wasiir kuxigeenno iyo wasiiru dowlayaal, waxaana xubnahan la magacaabay ku jira xubno hore xilal uga soo qabtay maamulka Koonfur Galbeed.
Wasiirada la magacaabay ayaa ka ah:-
1-Ibraahim Aadan Cali (Najax) waxaa loo magacaabay wasiirka cadaaladda iyo garsoorka maamulka Koonfur Galbeed,
2-Xasan Cabduqaadir Maxamed ayaa isna loo magacaabay wasiirka amniga Koonfur Galbeed
4-Mustaf Axmed Iidow ayaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare.
5-Isaaq Cali Subag ayaa loo magacaabay wasiirka baaraha iyo waraabka maamulka Koonfur Galbeed.
6-Cali Sheekh Cabdullaahi (Cali Afgooye) ayaa loo magacaabay wasiirka dekadaha iyo gaadiidka.
7-Maxamed Isaaq Ibraahim ayaa loo magacaabay wasiirka macdanta iyo batrolka Koonfur Galbeed.
8-Saciid Axmed Cali ayaa loo magacaabay wasiirka dastuurka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
9-Cabdifitaax Maxamed Cali (Abroone) ayaa loo magacaabay wasiirka kalluumeysiga iyo khayraadka badda.
10-Eng. Diini Cabdinuur Maxamed ayaa waxaa loo magacaabay wasiirka bay’ada iyo isbeddalka cimilada
11-Nuur Siidow Baaba ayaa loo magacaabay wasiirka diinta iyo awqaafka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Wasiir Dowle.
1-Dr. Maxmed Ibraahim Nuur ayaa waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha madaxtooyada Koonfur Galbeed.
Wasiir ku xigeenno
1-Maxamed Xuseen Xasan (Cadaawe) ayaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka.
2-Maxamed Qays Xasan Maxamed ayaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha
3-Cumar Daa’uud Khaliif ayaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo batroolka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.