Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Muuse Biixi oo cafis u fidiyay Boqolaal maxaabiis ah oo xabsiyada ku xiran

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne uu Cafis Guud ugu fidiyey, munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka awgeed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada  ku xidhan .

Maxaabiista madaxweyne Muuse Biixu cafiska u fidiyay ayaa  tiradoodu dhan tahay 388 (Saddex Boqol, Siddeed iyo Siddeetan) maxbuus, waxa ayna ku kala xiran yihiin qaar kamid ah xabsiyada waa weyn ee deegaannada maamulka Somaliland.

Wareegtada uu soo saaray madaxweyne Biixi ayaa u qorneyd sida tan :

Cafis

Markaan Arkay: Qodobka 90aad, Farqaddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/244/2023, kuna taariikhaysan 20/07/2023;

Markaan Tix-geliyay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/334/2023, kuna taariikhaysan 20/07/2023;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo, munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka awgeed, maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 388 (Saddex Boqol, Siddeed iyo Siddeetan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyadda ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

ECOWAS oo go’aamisay talaabo culus oo ka dhan ah Milateriga Niger (Sawirro)

Caydiid Ali

Kamala Harris oo si adag uga hadashay Weerar Israa’il fulisay

Cabdi Cade

Weriye ka tirsan Idaacadda VOA oo la dhigay xabsiga Magaalada Baydhabo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---