Xujey badan oo Soomaaliyeed ayaa sannadkan cabasho xooggan ka keenay adeegga xajka , waxa ayna dadkan sheegeen in lacago badan laga qaatay loona qaban adeegyadii markii hore lagula heshiiyay.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa ka raaligaliyay xujeyda Soomaaliyeed daahii ku yimid basaskii loogu tala galay in ay qaadaan xujeyda Soomaaliyeed.
Abuu Mansuur ayaa sheegay in ay jiraan qaar kamid ah shirkadihii ay kula heshiiyeen in ay u addeegaan xujeyda Soomaaliya in ay fulin waayeen adeegii laga rabay, gaar ahaan shirkadaha basaska ee loogu tala galay in xujeyda qaadaan.
Waxa uu sheegay wasiirka in caqabadaha ay ka timid dhinaca shirkadaha basaska laga kireeyay, waxa uuna cadeeyay in shirkadahaasi dib looga soo celiyay lacagtii la siiyay, waxa uuna xusay in hadda lacagtaasi ay ku jirto gacan aamin ah.
”Sanadkan Xajka waa la dadaalay wax yar oo dhib ah wuxuu kasoo laabtay basaska, kuwaas oo ay innoo soo kireeyeen shirkadaheenna, laakiin xoogaa dhib ah uu kasoo laabtay oo basaskii la waayay, lacagtii mucdankeeda waa laga soo celiyay qoladii iyaga ahaa sida la sheegayne gacan aamin ah ayey ku jirtaa” Ayuu yiri Abuu Mansuur.
Xujeyda Soomaaliyeed oo sannadkan lacag badan laga qaaday ayaan hadda helin adeegyadii loo ballanqaaday, waxa ayna taasi fadeexad ku noqotay dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta.