Kooxo burcad hubeesan oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa xalay deegaan duleedka ka ah magaalada Johhanesburg ee dalka Koomfur Afrika, waxa ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo halkaasi ka shaqeenayay.
Sida aan wararka ku helnay burcada hubeesan ayaa weeraray dukaan ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed, waxa ayna halkaasi ku dileen Cusmaan Cabdisalaan Maxamed, oo ahaa nin dhallinyaro ah oo dukaanka ka shaqeenayay.
Burcada ayaana la sheegay in dilka kaddib ay goobta isaga baxsadeen, waxa ayna horey usii qaateen lacago iyo sidoo kale agabyo kale oo yaallay dukaanka sida ay sheegeen dad gurmad u tagay dukaanka dilku ka dhacay.
Ciidamo katirsan booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa tagay dukaanka dilku ka dhacay , waxa ayna sheegeen in ay sameenayaan baaritaano dilkan ku aadan ayna soo qaban doonaan kooxdii ka damberesay dilka.
Dalka Koonfur Afrika ayaa si joogto ah dilal iyo dhibaatooyin kalaba loogu geestaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi nolosha u raadsatay, waxaana dalkaasi sannadihii lasoo dhaafay lagu dilay boqolaal dhallinyaro Soomaaliyeed.