Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida ku timid Xildhibaan Cabdiraxmaan Jubba

Madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Cumar (Jubba) oo kamid ahaa xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Cumar uu ahaa nin dhallinyara oo door firfircoon ku dhex lahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka dhigo jannatul fardowsa Samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Cumar oo kamid ahaa xildhibaannada golaha shacabka ee kasoo jeeda deegaannada maamulka Somaliland ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi , waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay madax kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey dagaal Khasaare geystay oo ka dhacay Magaalada Baydhabo

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo sheegtay tirada ciidamada Maraykanka ee lagu dilay Weerarkii Lamu

Caydiid Ali

Waa Dhacdo Xanuun Badan, waxay Rajadiisu ku Xiran tahay in uu helo …(Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---