Allbanaadir.com
NEWS

Aabbe muddo 22 sano ah baadigoobayay wiilkiisa oo laga xaday !(Daawo Sawirro)

Aabbe Shiinees oo 22 kii sano ee lasoo dhaafay dadaal ugu jiray sidii uu dib ugu heli lahaa inankiisa laga af-duubtay ayaa ugu dambeyntii ka helay meel degmadiisa u jirta 900 km ama 560 meyl.

Sannadkii 2001, Lei Wuze wuxuu ka tagay gurigiisa isaga oo aan ogeyn inay tani noqon doonto markii ugu dambeysay oo uu arko wiilkiisa. Aabbahan ayaa inankiisa, oo 4 jir ah xilligaas, laguna magacaabo Yuechuan wuxuu kaga tagay qof deriskiisa si uu ugu sii ilaaliyo. Haweeneydan jaarka ah ayaa booliska u sheegtay in markii ugu dambeysay ay arkaysay inankan oo qof weyn inta uu sababto kadibna gacanta kasii qabsanaya ilaa uu lasii mirqay.

Ficilkaas wuxuu burburiyay Lei noloshiisa, laakiin marnaba ma quusan. Marnaba ma lumin rejada ah inuu mar kale wiilkiisa heli doono. Durba wuxuu bilaabay inuu shafka ku qaato sawirka inankiisa – isaga oo socod ku maraya ugu yaraan tuulo iyo degmo walba oo jaarka la ah degmadiisa. Sannado ayaa kasoo wareegtay halgankiisa, laakiin ugu dambeyntii wuu u miro-dhalay.

Wuxuu ku biiray iskaashatooyinka qoysaska carruurtooda la afduubtay, wuxuuna marwalba isku dayayay inuu tijaabo habab hor leh oo uu inankiisa ka maqan ku baadigoobi karo. Safarro badan ayuu ku bixiyay Shiinaha, wuxuuna la kulmay dhammaanba laamaha booliska iyo qolyaha baarista qaabilsan. Marwalbana wuxuu kala soo noqonayay hungo iyo niyadjab. Balse sannad kasta wuxuu noqday midkii uu sugaayay.

Booliska ayaa si kastaba u sheegay in la helo hidde-sidaha DNA-giisa wiil heysta oo ku nool fogaan degmadiisa u jirta 900 km. Mar kale oo baarista lagu naqay, waxaa soo baxday inay is leeyihiin. Waxaana uu noqday 26 jir lagu magacaabo Shenzen. Waxaa yaab leh in xattaa dhowr jeer uu booqday deegaanka wiilkiisa laga helay oo xattaa uu cabbaar u jirsaday guriga uu deganaa, laakiin uu ogaal la’aan iska soo noqon jiray.

70% waqtigiisa wuxuu ku bixiyay 22-kii sanadood ee lasoo dhaafay baadigoobka inankiisa. Xaaskiisa iyo isagu waxay isku dhaleen gabar iyo wiilka hadda ay heleen ee Shenzen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ninkii sameeyay Gantaalada Guuxooda ka dheereeya oo abaal marin qaali ah la siiyay !!

Cabdi Cade

Nin gubay qabri ay ku aasneed Sodohdiis iyo Sababta keentay oo la ogaaday !!

Cabdi Cade

Ruushka oo Iran gaarsiiyey nidaamkiisa difaaca hawada ee S-400

Caydiid Ali
Taboola Ads ---