Hay’adda Garsoorka ee dalka Turkiga waxay soo saartay ammarka lagu soo xirayo madaxa xisbiga xag-jirka ee dalka Denmark, Rasmus Paludan, kaa oo marar badan ku kacay falal Islaam naceyb ah.
Rasmus Paludan oo haysta dhalashada Swedan waxa uu ku caan baxay Islaam-Nacaybka iyo isagoo Nuqul ka mid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka bishii January sanadkan ku gubay afaafka hore ee safaarada Turkiga ku leedahay caasimadda Sweden ee Stockholm.
Wasiirka Caddaalada Turkiga, Yilmaz Tunc waxa uu ku booriyey xafiiska dacwad oogaha guud ee dalka Turkiye inay baaritaano dhamaystiran ku sameeyaan aqoonsiga 9-ka dembiile, lana soo ururiyo warbixinta xogta shaqsiyadeed iyo caddaymaha falal dembiyadeedyada ay ku kaceen.
Dhinaca kale ninkan ay amartay dowladda Turkiye in lasoo xiro Rasmus Paludan , ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in ammarka lasoo saaray uusan isagu khuseyn, waxa uuna tilmaamay in uusan u socon Turkiga qorshahana ugu jirin dalkaasi in uu tago.
“Safar uma ihi dalka Türkiye, weligayna qorshahayga hore kuma fekerin inaan booqdo Turkiye ,Waxaan salaamayaa Madaxweyne Erdoğan, waxaana u sheegayaa xitaa haddii aan booqdo dalka Türkiga ee uu dhibku ka jiro, waxaan raaci doonaa sharciga Turkiga” ayuu yiri Rasmus Paludan.
Ninkan xag-jirka ah ee dowladda Turkiga amartay in lasoo xiro ayaa sidoo kale sheegay in sharciga iyo ammarka dalkaasi uusan ka shaqeyn dalalka uu dhalashooda heesto ee Sweden iyo Denmark.