Mas’uuliyiinta Talyaaniga ayaa gacanta ku dhigay 5.3 tan oo Daroogo Cocine ah taasoo lagu kala wareejinayay maraakiibta ku sugan xeebaha koonfureed ee Sicily.
Shixnaddan ayaa lagu qiimeeyey lacag dhan 850 milyan oo Yuuro oo u dhiganta ($946 milyan) waxaana la xiray shan qof, sida uu bayaan ku sheegay taliska Booliska Guardia di Finanza.
Booliisku waxay ku raad joogeen markab ka soo shiraacday Koonfurta Ameerika oo ku socday saacadihii hore ee Arbacada, markii diyaarad ilaalo ahi ay aragtay baakado laga soo tuurayay markabka oo biyaha sabeynayey marinka Sicily si loogu qaado doonyo kalluumaysi oo sugayay.
Waxa ay joojiyeen markabka oo ay ka heleen tiro badan oo daroogo ah qayb qarsoon oo ka danbeysa darfaha markabka. afar qof oo u kala dhashay Tunisia, Talyaani, Albania iyo Faransiis ayaa la xiray.
Madaxweynaha ismaamulka Sicilian Renato Schifani ayaa bogaadiyay howlgalkan oo uu ku tilmaamay mid dhabar jab ku ah tahriibinta maandooriyaha.
“Maandooriyaha waa aafo bulshadeenna ku habsatay oo ay ka dambeeyaan rag aan damiir lahayn oo geeri ku beera rajada iyo burburka qoysas badan,” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray.
Bishii Abriil, booliiska Talyaanigu waxay heleen ku dhawaad 2 tan oo kookayn ah oo sabeynaya badda bariga Sicily taasoo ay rumeysan yihiin inuu uga tagay markab xamuul si loo qaab dhuumaaleysi ah loogu geliyo gudaha talyaaniga.