Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Zelenskiyy oo ceyriyey danjirihii Ukraine u joogay UK ka dib markii..

Madaxweyne Volodymyr Zelenskiy ayaa Jimcihii shaqada ka eryay Vadym Prystaiko safiirka Ukraine u fadhiya Britain, maalmo ka dib markii uu si cad u dhaliilay Madaxweynaha.

Amarka Madaxweynaha, oo lagu sheegay in Prystaiko sidoo kale laga qaaday wakiilkii Ukraine ee hay’adda badaha caalamiga ah, ma sheegin sababta shaqada looga eryay.

Wareysi uu siiyay Sky News usbuucii hore, Prystaiko ayaa wax laga weydiiyay hadal ka soo yeeray Xoghayaha difaaca ee Britain Ben Wallace oo soo jeediyay in Kyiv ay muujiso mahadnaq dheeri ah oo ku saabsan hubka ay u soo dhiibaan xulafadeeda si ay ula dagaalamaan ciidamada Ruushka.

Zelenskiy ayaa ku jawaabay isagoo sheegay in Ukraine ay mar walba u mahadcelineyso Britain, oo ah xulafo adag.

Mar la waydiiyay in Zelenskiy uu sarbeebay, Prystaiko waxa uu u sheegay Sky in ay jirto “wax yar oo jeesjees ah” markii madaxwaynuhu uu sheegay in subax kasta uu soo tooso oo uu waco Ben Wallace si uu ugu mahadceliyo.

“Ma rumaysni in sarbeebtu ay caafimaad qabto,” ayuu yidhi, isaga oo raaciyay in Ruushku “ay tahay inay ogaadaan inaan si wadajir ah u shaqeyneyno.”

Amarka Zelenskiy laguma sheegin cidda bedeli doonta Prystaiko, oo 53 jir ah, dublamaasi khibrad leh, horayna u soo noqday ra’iisul wasaare ku xigeen, kaasoo xilka safiirnimo ee Britain u soo hayay muddo saddex sano ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Dhambaal u sida Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

Cabdi Cade

Musharaxiinta Mucaaradka oo qaadacay liiska xildhibaana cusub lagu dhawaaqay

Cabdi Cade

Wadaad loo heestay in uu Al Shabaab katirsan yahay oo diiday in Xabsiga laga sii daayo !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---