Allbanaadir.com
NEWS

Masuuliyiin ku eedeysan xatooyo xoolo dadweyne iyo Musuq maasuq oo maxkamad …

Waxaa saakay oo Khamiis ah maxkamadda gobolka Banaadir lasoo taagayaa masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya, oo loo xiray in ay sameeyeen xatooyo xoolo dadweyne iyo sidoo kale musuq maasuq.

Masuuliyiintan maxkamadda gobolka lasoo taagayo ayaa waxaa ku jira agaasimayaal iyo masuuliyiin kale oo katirsanaa wasaaradda maaliyadda, wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo sidoo kale hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha.

Dowladad Soomaaliya ayaa isbuucyo xabsiga ku heysay masuuliyiintan maanta lasoo taagayo maxkamadda gobolka Banaadir, waxaana maxkamadda hortooda maanta looga jeedin doonaa eedeymaha dambiyada loo heesto.

Maxkamadeynta maanta bilaabaneysa ayaa kusoo aadeysa xilli wali baxsad ku jiraan masuuliyiin kale oo dowladda katirsanaa, kuwaa oo iyana xeer ilaalinta Qaranka kusoo eedeysay in ay ku kaceen musuq maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre oo Xafiiskiisa ku qaabilay Filippo Grandi (Daawo Sawirada)

admin

Golaha Ammaanka oo Shir xasaasi ah ka yeeshay is-mariwaaga siyaasadda Soomaaliya

Cabdi Cade

Xabad joojin looga dhawaaqay dalka Liibiya iyo sababaha soo dedejiyay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---