Madaxwayne ku-xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga guud ee gobolka Gedo oo lagu qabtay degmada Luuq.
Shirkan ayaa waxaa ka qayb galay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dowladda federaalka Soomaliya, xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Jubbaland, maamulka gobolka Gedo, kan degmada Luuq, saraakiisha laamaha amniga degmada iyo kuwa nabad ilaalinta ATMIS ee ka socda Itoobiya.
Shirka ayaa inta badan waxaa diiradda lagu saaray sare u qaadista la dagaallanka Al-shabab iyo sidii loo adkeyn lahaa amniga guud ee gobolka Gedo.
Madaxwayne ku-xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlay kulankaas ayaa sheegay baahida loo qabo dardar gelinta amniga guud ee gobolka Gedo iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka taagan.
Maxamuud Sayid Aadan ayaa kula dardaarmay saraakiisha iyo xubnaha kale ee ka qeyb galay iney la yimaadaan waxqabad adag, dhexdoodana yeeshaan iskaashi iyo wada shaqeyn buuxda.