Allbanaadir.com
NEWS

Nin Muslim ah oo celiyay lacag aad u badan kusoo qaldantay koontadiisa

Muslim qaxooti Suuriya kasoo jeeda ayaa lagu amaanay heerka daacadnimadiisu la eg tahay kaddib markii, sida la sheegay, uu lacag dhan  $716,000 oo si qaldan ugu soo dhacday koontadiisa bangiga uu ugu celiyay qoladii iska laheyd.

Dhacdadan ayaa ka dhacday  Dulkadiroğlu, gobalka Kahramanmaraş ee dalka Turkiga, waxaana Omer Abdulkadir uu ku jiray ceymis dhismo oo gurigiisa oo ku burburay dhul-gariirkii dhawaan ka dhacay Turkiga. Shirkadda ceymiska ayaa labo jeer oo kala duwan koontadiisa bangiga kusoo dirtay $716,000 si uu ugu dayactirto gurigiisa.

“Dadka qaar waxay igu dhaheen ‘waa lacagtaada ha u celinin’, waxaana ku dhahay ilama ahan inay xaqayga tahay,” ayuu yiri.

Go’aankiisa ayaa soo saaray kartida awooddiisa dhowrsanaanta iyo daacadnimadiisa xeesha dheer.

Sannadkii 2008, sidan oo kale taksiile Muslim ah ayaa celiyay lacag dhan 4-million-dollar oo looga dhex tagay gaarigiisa. Sannadkii 2014, waxaa sidoo kale mulkiile maqaayad uu booliska ku wareejiyay lacag dhan US$100,000 oo looga tagay mid kamid ah miisaska mqaayaddiisa.

Tusaalayaashuna kuma eka intaas. Waxaa jira qaar kale oo Muslimiin ah kuwaas oo xaqa aysan lahayn ee kusoo ilduufay ku celiyay dadkii lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxda Maamul goboleedyada oo kaligood shir yeelanaya iyo halka uu ka dhacayo oo…

Cabdi Cade

Gudoomiyaha cusub ee degmada Xamar Weyne oo maanta xilka la wareegay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi oo ka tacsiyadeeyay geerida Ugaaska Beesha Xawaadle

Cabdi Cade
Taboola Ads ---