Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin ayaa lagu wadaa in uu safar ku tago magaalada Johannesberg ee dalka Koonfur Afrika, waxa uuna dalkaasi uga qeyb gali doonaa sida uu qorshuhu yahay shir caalami ah.
Maxkamadda dambiyada caalamiga ee ICC ayaa horey u soo saartay waaran lagu soo xirayo madaxweyne Putin oo maxkamadda ku eedeesay in dambiyo dagaal oo xun uu ka geestay gudaha dalka Ukraine.
Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa digniin kasoo saaray qorshe kasta oo la doonayo in lagu xiro madaxweyne Putin marka uu yimaado Koonfur Afrika , waxa uuna qorshahaasi ku tilmaamay mid noqon karta dagaal ka dhan ah Ruushka.
Cyril Ramaphosa ayaana ku casuumay madaxweyne Putin in uu kasoo qeyb galo shir caalami ah oo dhawwaan ka dhacaya Koonfur Afrika, waxa uuna Cyril iska indha tiray dalabka ICC ee ah in lasoo xiro Putin.
Dalka Koonfur Afrika ayaa kamid ah waddamada saxiixay  saxiixay heshiiska ICC, hasa ahaatee dalkan ayaa diiday in dalkooda lagu xio Putin, waxa ay sidoo kale horey u diideen in dalkooda lahyu xiro madaxweynihii Sudan Al Bashiir mar uu booqasho ku tagay.