Allbanaadir.com
NEWS

Hadal uu ka dhawaajiyay Wasiir katirsan xukuumadda Soomaaliya oo hadal heyn abuuray

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada si weyn loogu baahiyay muuqaalka Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo sheegaya in uu shaqaaleesiinayo qaraabadiisa haddii uu fursad shaqo u helo.

Wasiirka oo shalay hortagay guddiga Dhaqaalaha, Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa la weediiyay su’aalo badan oo qaarkood aad u adkaayeen.

Xildhibaan katirsan guddiga ayaa wasiirka weediiyay in uu wasaaradda uu joogo ka shaqaaleesiiyay dad ay isku heyb yihiin , halka uu uu shaqada ka eryaya shaqaale kale oon heyb ahaan wasiirka aysan is xigin.

Wasiir Xildhibaan Jibril Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa xildhibaannada hortooda ka bixiyay jawaab dad badan layaabeen si weyna u abuuraty hadal heyn, waxa uuna sheegay in uuba hadda diyaar u yahay in uu shaqaaleesiiyo dadka uu matalo haddii uu fursad kale u helo.

” Ninka ugu sukeeya aan wax siinayo waa nin qaraabadeeda ah, haddaan kuu sheegayaa  haddaan u heli karo meel, waa bisaraaxa waxaad adigu sameyn laheyd anigu ha igu eedeyn, beri markaad talada qabsato waxa aad adigu sameyn laheyd ha igu eedeyn xildhibaane, aniga hadda tobanka la magacaabay iska dhaafee kuwa kale oo qaraabadeeda ah haddaan boos u helo shaqo waan siinaa, waxa ugu horeeyo aan qorayo waa kuwa isoo doortay ee iga daba qeylinaya, kuwaas ayaan iska fujinayaa, xildhibaan ayaan u ahay ,sidaad rabto in aad u shaqaaleesiiso ayaan u shaqaaleesiinaa” ayuu yiri wasiir Jibriil.

Hadalkan ayaana baraha bulshada ka abuuray hadal heyn aad u badan, dad badan ayaana wasiirka ku taageeray runta uu sheegay iyo sida uu daacada ugu yahay shaqo siinta dadka uu matelo, halka dad kalana ku eedeeyeen in shaqadii qaranka xigto ka dhigtay.

Dadka qaar ee aragtiyada ka dhiibtay hadalka wasiirka ayaa ku eedeeyay wasiirada iyaga ku matela xukuumadda in ay yihiin kuwa xun xun oo ka baqa in ay shaqo siiyaan ama wax u qabtaan dadka ay dowladda ku matelaan.

Wasiirada xukuumadda Soomaaliya iyo masuuliyiinta kale ee dowladda ayaa inta badan shaqaaleesiya inta ay joogaan dad u badan qaraabadooda, halka ay jiraan wasiirro iyo masuuliyiin tiro yar kuwaa oo albaabada ka xirta dadka ehelkooda ah ay metalaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirada dadka ku dhimaya duqeymaha Israel ee Gaza oo sii kordhay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada oo Aamusnaan uga jawaabeysa ficilada ay ku dhaqaaqeyso dowlada Kenya

Cabdi Cade

Jeneraal Al Burhan oo ka carrooday magaalo laga qabsaday una hanjabay Saraakiil fududeesay

Cabdi Cade