Allbanaadir.com
NEWS

Cabsi saakay ka jirta magaalooyin katirsan dalka Kenya iyo goobaha ganacsiga oo xiran

Waxaa saakay xiran inta badan goobaha ganacsiga iyo waxbarashada ee kuyaalla magaalooyinka waa weyn ee dalka Kenya, kaddib cabsi laga muujiyay dibad-baxyo rabshada wata ay dhigaan taageerayasaha mucaaradka Kenya.

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga ayaa iclaamiyay in ay dhigayaan dibad-baxyo xiriir ah muddo saddex maalin ah oo ka bilaabanaya maanta oo Arbaco ah, waxaana looga soo horjeedaa dibad-baxyada dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Ruto.

Ciidamo badan oo isugu jira booliis iyo milatari ayaa dowladda saakay dhoobtay waddooyinka magaalada Nairobi iyo magaalooyin kale , ciidanka ayaana dowladda ammartay in ay kahor tagaan dibad-baxyo rabshada wata in ay dhacaan.

Goobaha ganacsi ee kuyaalla magaalada Nairobi ayaa saakay intooda badan xiran, waxaa sidoo kale la fasaxay ardayda wax-kabarata iskuulada iyo jaamacadda kuyaalla dalka Kenya, cabsi laga qabo dibad-baxyada owgeed.

Dibad-baxyada xiriirka ah ay ku baaqeen mucaaradka Kenya ayaa saameyn badan ku yeelaneysa dad badan oo kunool goobaha ay ka dhacayana dibad-baxyada, waxa ayna dowladda uga digtay kooxaha dhigaya dibad-baxyada in ay rabshado sameeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo mar kale ka baaqday Shirka Golaha Guud Q/M iyo sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Jubbaland oo War ka soo saartay shirka uu iclaamiyey Raisul Wasaare Rooble

Caydiid Ali

Toos u Daawo: Doorashada Madaxweynaha Somalia iyo Teendhada Afisiyooni

Cabdi Cade
Taboola Ads ---