Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka dowladda oo saakay fuliyay howlgal lagu dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Ciidanka xoogga Dalka ayaa saaka waabarigii hore fuliyay hawlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Ceel-qurac oo ku yaalla xadka u dhaxeeya goballada Galguduud iyo Shabeelaha dhexe.

Hawlgalka ayaa la sheegay in ciidanku ay ku beegsadeen goob ay isku uruursanayeen dagaalamayaal katirsan Al Shabaab, waxaana weerarkaasi khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay kooxdii la weeraray.

Taliyaha guutada 18aad ee kumaandooska Gorgor Bashiir Cabdullaahi ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgalka lagu dilay in ka badan 30- dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabaab, sidoo kale ciidanka qabsadeen hub iyo agabyo kale oo ciidan.

Ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay in sidoo kale bur buriyeen fariisinkii ay lahaayeen kooxda Al Shabaab ee la weeraray, waxa ayna saraakiisha ciidanka sheegeen in ay kudaba jiraan firxadka xubno kale oo baxsaday.

Howlgalkan ayaa imaanaya xilli ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka isku diyaarinayaan howlgalo la filayo in ay ka bilowdaan deegaanno iyo degmoyoon katirsan Galgaduud oo gacanta ugu jira kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahino kasoo baxaya dil loo geestay Cabdi Mahad Cabdullaahi iyo ninkii dilay oo …

Cabdi Cade

Shir looga hadlay Isdhex galka dhaqaale ee geeska Afrika oo Muqdisho lagu qabtay

Cabdi Cade

Kenya oo go’aan ka soo saartay ciidamada ka jooga Somalia iyo Axmed Madoobe oo..

Caydiid Ali