Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Xog) Maxaa sababay in Xassan Shiikh iyo wafdigiisa ay gudaha u geli waayaan Jowhar?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Taliyaha Sirdoonka Somaaliya, Mahad Salaad ayaa maantay booqasho ku tagay Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.

Wafdiga Madaxweynaha ayaan gudaha u gelin magaalada Jowhar. iyagoo gegida diyaaradaha magaaladaas kula kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha dalka iyo Cali Guudlaawe waxa ay kawada hadleen saddex qodob oo ay ka mid yihin Xal u helida Khilaafka ka tagaan Gobolka Hiiraan gaar ahaan muranka ka dhashay xilka qaadistii Cali Jeyte oo isaguna ka hor yimid xil qaadistaas kuna dhawaaqay maamul gaara.

Waxyaabaha la isla soo qaaday waxaa ka mid ah Colaad beeleedyo ka jira gobolka Shabeelada Dhexe iyo sidoo kale sidii dib loogu bilaabi lahaa dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Madaxweynaha ayaa kulanka kadib dib ugusoo laabtay magalaada Muqdisho.

Arrimaha sababaya in Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay gudaha u geli waayaan Jowhar, kana soo laabtaan garoonka dayuuradaha ayaa waxaa ka mid ah burbur xoogan oo ka jira wadada isku xirta garoonka iyo magaalada Jowhar oo sidoo kale meelaha qaar ay fadhiyaan biyo ka dhashay roobabka iyo cabsi laga qabay in Al-shabaab ay wadadaas dhigeen qaraxyo.

Maamulka Hirshabelle ayaa lagu tiriyaa inuu yahay kan ugu liita marka la eego maamulada kale ee dalka, waxaana saameeyey horumarm la’aan, isbaarooyin qaarkood u yaalla rag masuuliyiin ah, Maamul xumo, amni daro iyo arrimo kale.

Related posts

Dibed baxyo caro leh oo ka dhacay qeybo ka mid ah Somaliland & booliska oo rasaas furay

Caydiid Ali

Dowlada Ciraaq oo Sweden u gudbisay dalab la xiriira ninkii gubay Kitaabka Qur’aanka

Caydiid Ali

Barakac mar kale ka bilowday Belad-weyne & Webiga Shabelle oo ku fatahay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---