Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Soomaaliya oo beri fasaxday Shaqaalaha rayidka ah (Sababta)

Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda ee Xukuumada Somalia ayaa fasaxday Shaqaalaha rayidka ah ee heyaddaha DF maalinta beri ah oo taariikhdu tahay 19ka bisha July oo sidoo kale ku beegan 1da bisha Muxaram, sababo la xiriira curashada sanadka cusub ee Hijiriyada Islaamka 1445.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda Xildhibaan Dr Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa Munaasibadda curashada Sannadka cusub ee Islaamka 1445. H wuxuu hambalyo u diray dhammaan Ummadda Islaamka gaar Shacabka Soomaaliyeed .

Wasiir Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa  sidoo kale hambalyada sannadka cusub ee Islaamka la wadaagay shaqaalaha rayidka ee dowladda iyo shaqaalaha Madaxa-bannaan ee soomaaliyeed  meel kasta oo ay joogaan.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa guud ahaan Ummadda Islaamka u rajeeyay in sannadkan sannadkiisa kale nagu gaarsiiyo 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝, 𝐁𝐚𝐫𝐰𝐚𝐚𝐪𝐨 , 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐂𝐢𝐛𝐚𝐚𝐝𝐨 𝐒𝐮𝐮𝐛𝐚𝐧.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda Maaliyada Puntland oo soo rogtay Canshuur ka yaabisay dad badan

Caydiid Ali

Nin xisaabiye u ahaa burcadii afduubatay markabkii MV Abdalla oo la qabtay

Cabdi Cade

Weerar Mindi loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Paris (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---