Sidaan ognahay kumanaan ka mid ah beelaha dega Koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa rubac qarnigii ugu dambeeyay ku barakacay qaybo ka mid ah dhulka Soomaaliya gaar ahaan gobolada #Banaadir, #Bari iyo #WaqooyiGalbeed ee dhulka Soomaaliyeed, ka dib markii ay dalka ka dhaceen dagaalo sokeeye iyo abaaro baahsan, dadka sida gaar ah ay u taabatayna waxaa ka mid ah beelaha dega gobolada Baay, Bakool, iyo Jubooyinka, kuwaasoo u hayaamay qaybo ka mid ah gobolada Banaadir, Bari iyo Waqooyi.
Xaqiiqdii dadkaasi ku barakacay deeganadaasi waxaa si wanaagsan u soo dhaweeyay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan goboladaas gaar ahaan Gobolka #Bari oo marti galiyay kumanaan Barakacyaal ah, mana aysan la kulmi isir sooc iyo dulmi, taasoo keentay in ilaa iyo iminka ay u degan yihiin si nabad ah, ayagoo ku heysta shaqooyin iyo Ganacsi.
Hadaba, su’aasha is weydiinta mudan waxaa weeye beelaha koonfur galbeed ma ayagaa ugu horeeyay inay u barakacaan gobolo Soomaalida kale degan tahay mise waa loogu horeeyay? !
#Taariikhda ma naxdo mana naxariisato, sidaas darteed waxaan doonayaa inaan si kooban u dulmaro beelo Soomaaliyeed oo taariikh fog iyo midda dhowba u barakacay dhulka koofur galbeed maanta loo yaqaano, si Soomaalida cusub ee qarnigaan Nool ay u ogaadaan in reer koofur galbeed looga horeeyay Barakaca dalka gudahiisa.
#Taariikhda dhow waxaa ka mid ah markii dalka Soomaaliya ay ka dhaceen Abaartii daba-dheer sanaddii 1974-75 waxay aad u saameysay deegaanada gobolada Waqooyi, Bari, Nugaal, Mudug iyo Galguduud, sidaas darteed kumanaan qoys oo ka soo jeeda beelaha #Majeerteen, #Dhulbahante, #Isaaq, iyo #Habargidir ayaa u soo barakacay deegaano ka mid ah dhulka maanta loo yaqaano Koonfur galbeed, kuwaasoo Dowladii Kacaanka dadkaasi ka soo daad gureysay deegaanada Abaarta ku dhufatay, waxaana intooda badan la dejiyay Sida Gobolka Shabeelaha hoose oo ah Gobol Barwaaqo sooran ah.
#Beesha_Absame ayaa ku soo barakacday dhulka Koofur galbeed ee Soomaaliya gaar ahaan Todobaatameeyadii, ayagoo ka soo hayaamay Dhulka Soomaali galbeed, waxayna dowladii kacaanka dejisay Tuulooyin hoos yimaada Degmada Bu’aale ee Gobolka Jubada dhexe, kuwaasoo ilaa iyo iminka degan.
#Beesha_Reer_Aw_Xasan oo ka soo hayaamay dhulka Soomaali galbeed gaar ahaan Buur_ukur Todobaatameeyadii ayagoo soo degay magaalada #Qoryooley ee Shabeelaha hoose, waxaana soo dhaweeyay Beesha #Garre, waxaana la siiyay Deegaan iyo Xoolo.
Ilaa iyo hada qoysaska xiligaas ka soo barakacay goboladaasi wey degan yihiin, mana aysan la kulmin xiligaas wax heyb sooc ah, deegaanada barakacyaashaasi la dejiyay waxaa iska lahaa beelaha #Digil iyo #Jareer_weyne.
Markuu dhamaaday dagaalkii 2aad ee Aduunka 1945, boqolaal Askar ah o Soomaali ah oo ka mid ah ciidamadii Gumeysi u dagaalamayay ayaa gaaray deegaano ka mid ah Gobolka Bakool iyo Baay, waxayna iska degeen deegaanadaas, waxaana si diiran u soo dhaweeyay beelaha deganaa halkaas ee Raxanweyn ama Mirifle ahaa, waxaa la siiyay dhul, waxayna ka midnoqdaan dadka deegaanka. Askartaas Soomaalida ahaa waxay intooda badan ka soo jeedeen beelaha #Majeerteen, #Isaaq iyo #Dhulbahante, waxaana loo yaqaanaa Buraashley. Aqoon yahan badan iyo Siyaasiyiin badan oo dhashii dadkaasi ah ka mid ah baa hada Siyaasadda Soomaaliya ku jira.
Beelo dir ah oo gaar ahaan #Biyamaal oo cadaadis badan kala kulmay Dhulka Soomaali galbeed iyo Waqooyiga ayaa qarnigii 16aad u soo barakacay gobolka Shabeelaha hoose, waxaana la siiyay dhul iyo beero, waxayna ka mid noqdeen Soomaalida degan gobolka Shabeelaha Hoose, waxayna dhisteen Boqortooyo, ayagoo si weyn ula dagaalamay Gumeystihii Talyaaniga.
Qarnigii 17aad beelaha #Abgaal iyo #Murusade oo cadaadis badan la kulmay xukunkii boqortooyada Ajuuraan ee Koonfurta Soomaaliya ayaa u barakacay deegaano ka mid ah dhulka Digil gaar ahaan Tuulooyin ay ka mid yihiin. Warmaxan, Tixsiile iyo Dameeraale oo ka mid ah Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana si diiran u soo dhaweeyay Beesha galadi oo gacan ku siisay inay jabiyaan Beesha Ajuuraan.
Beesha #Mareexaan oo deegaan ahaan ka mid ahayd beelaha Soomaaliyeed ee deganaa Dhulka NFD oo hada Kenya xooga ku heysato oo ka mid ah ahayd beelaha sida weyn ula dagaalamay Gumeystihii ingiriiska islamarkaasina diiday inay Kenyaan noqdaan ayaa ka mid ahaa beelaha Soomaaliyeed ee u soo barakacay dhulka Raxanweyn gaar ahaan qaybo ka mid ah gobolka Jubada sare oo markii dambe laga gooyay gobolka Gedo, oo xitaa la helayo tixraac rasmi ah oo muujjinaya sida ay u aas-aasmantay magaalada Garba-haarey.
Dhamaadka qarnigii 17aad iyo Bilowga qarnigii 18aad oo ay burburtay Boqortooyadii #Ajuuraan ee xukumaysay gobolada Dhexe , Banaadir iyo Shabeelaha Hoose, ka dib markii ay iskaashadeen beelaha #Hiraab iyo #Murusade, ayaa sababay kumanaan ka mid ah beelahaasi inay u barakacaan deegaano ka mid ah dhulka Raxanweyn gaar ahaan magaalooyinka Baardheere, Buurhakabo, Diinsoor iyo Xabiibyaale.
Beelaha Shiiqaal iyo Asharaaf oo diin fidin u yimid dhulka koonfurta Soomaaliya ayaa ka mid ahaa dadka lagu soo dhaweeyay deegaanada Koonfur galbeed, waxa ayna ka mid yihiin beelaha hada degan dhulkaasi.
Dadkaas barakaca ah oo xukunka laga tuuray ee Beesha #Ajuuraan waxaa si wanaagsan u soo dhaweeyay beelaha Raxanweyn oo ilaa iyo hada deegaan wadaag ay yihiin. Marka waxaa si guud loo oran karaa beelaha Soomaaliyeed waxaa waqtiyo kala duwan soo dhaweeyay beelaha Digil iyo Mirifle oo marti sooray.
Hadaba, waxaa la dhihi karaa beelaha Koonfur galbeed ee Soomaaliya waa looga horeeyay barakaca dalka gudihiisa, ee taariikhda dib ha loo eego !!
Hussein Sahnuni
Cairo, Egypt
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com