Allbanaadir.com
NEWS

War Deg Deg Ah: Ciidamo katirsan Dowlada oo goordhaw galay Guriga Cabdi Qeybdiid

Waxaa goordhaw Ciidamo katirsan dowlada  oo wajiyada u duubnaa ayaa galay guri uu leeyahay Senetar Cabdi Xasan Cawaale Qeybiid oo kuyaala Xaafada Banaadir ee Degmada Hodan.

Ciidamadan oo aad u hubeesnaa wajiyadana qarsaday ayaa galay guriga Senetarka sida aan warka ku helnay, waxa ayna Ciidamada mudo daqiiqado ah ku sugnaayeen howlgalna ka wadeen guriga Cabdi Qeybdiid.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowlada Soomaaliya oo ku aadan Ciidamada gudaha u galay guriga Senetarka Cabdi Xasan Cawaale , waxaa sidoo kale arintan ka hadlin Senetarka oon la ogeyn halka uu joogay xiliga la weerarayay.

Howlgalkan ayaa kusoo aadaya xili dhawaan ciidamo katirsan Nabad sugida Soomaaliya ay weerareen guri kuyaala Siyaasiga Cabraxmaan C/shakuur Warsame, waxaana howlgalkaasi lagu xiray Siyaasiga .

Senetar Cabdi Xasan Cawaale ayaa lagu tiriyaa in uu kamid yahay Xildhibaanada Mucaaradka ku ah dowlada Madaxweyne Farmaajo, waxaana arintan kusoo aadeysa xili xiisad siyaasadeed dalka ka jirta.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xuutiyiinta oo weerar dhimasho geystay ku qaaday markab laga leeyahay Mareykanka

Caydiid Ali

Daawo: DF oo wada qorshe ka dhan ah Axmed Madoobe & Dagaalo culus oo ka dhacay..

Caydiid Ali

Dil ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo Faah Faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---