Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo si weyn loogu soo dhaweeyay Luuq (Sawirro)

Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta sannado kaddib gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Wafdiga Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa degmada Luuq si weyn ugu soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Gedo iyo kan degmada Luuq iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Jubbaland iyo wafdiga la socda ayaa la filayaa in kulamo kala duwan la qaataan maamulka degmada , odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Gedo.

Maamulka degmada Luuq ayaa taageeray maamulka Jubbaland uu hoggaamiyo Axmed Madoobe iyo maamulka cusub ee dhawwaan gobolka Gedo loo magacaabay, waxa ayna maamulka degmadan sheegeen in ay qeyb ka yihiin lana shaqeenayaan Jubbaland.

Degmooyinka kale ee gobolka Gedo sida Doolow, Garbahaarey iyo Baled Xaawo ayaa  laga diidan yahay maamulka Jubbaland, waxaana degmooyinkaasi wali ka ammar qaataan maamulkii Farmaajo u magacaaby gobolkaasi xilligii uu talada hayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cristiano Ronaldo oo ku biiray Koox Carbeed iyo Lacagta uu Sannadkii uu qaadanayo oo…

Cabdi Cade

Afar sargaal oo katirsanaa kooxda Al Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka Dowladda

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo xaalad adag oo siyaasadeed xiligan Wajahaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---