Golaha Wasiirada Maamulka Somaliland ayaa digniin kulul ka soo saaray socdaalka madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/wali gaas ku joogo degaano ka tirsan gobolka Sanaag.
Kulan goluhu ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa lagu sheegay in Somaliland ay ka fal celin doonto wax loogu yeeray xad gudubka lagu sameeyey degaanadeeda, waxayna kulankooda ka soo saareen qodobo u qornaa sidatan:-
1.Somaliland waxa ay aaminsan tahay nabadgelyada iyo deggenaanshaha gobolka geeska Afrika, waxana ay kasoo horjeeddaa colaad iyo khal-khal nabadgelyo-darro oo ka dhaca gobolka.
- Soomaaliya waxay ku soo xad-gudubtay Somaliland, iyadoo food-saare ka dhiganaysa maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, sidaynu ognahay sannadkan horraantiisii waxa yimid gobolka Badhan wasiir Federal ah oo horseeday iska hor-imaatin ciidan oo dhiig ku daatay.
- Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay aqbashay dhexdhexaadintii IGAD, AU-da iyo wakiilka UN-ta Soomaaliya u jooga oo ahayd in colaadda la joojiyo oo maxaabiista la kala beddesho oo ay wada-hadlaan Somaliland iyo Soomaaliya, hase yeeshee, waxa caddaatay in dawladda Farmaajo ay ka go’an tahay inay dagaal joogto ah kusoo qaaddo Somaliland, iyada oo dabada ka riixaysa maamulka Puntland.
4-Imaatinka Cabdiweli gaas ee Gobolka Badhan waxa uu qeexayaa faro-gelin qaawan oo siyaasadeed iyo joogtaynta colaad Somaliland ka dhan ah, sidaa daraadeed Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay go’aansatay in dalkeeda, dadkeeda iyo qaran-nimadeedaba ay difaacayso.
- Waxannu u sheegaynaa Soomaaliya in Somaliland ay si waafi ah uga fal-celin doonto xad-gudubkaa aad ka bareereen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com