Maxkamad kutaalla dalka Kenya ayaa xukun xabsi dheer ah ku riday macalin Soomaali Kenyan ah oo lagu helay in uu faraxumeeyay arday wax ka baranayay iskuul kuyaalla magaalada Gaarisa.
Macalinka Soomaaliga ah ayaa maxkamadda ku heshay in uu faraxumeeyay arday uu macalin u ahaa , waxaana dhacdadan aad uga argagaxay ardayda iyo maamulka iskuulka.
Garsoore Shadrack Okute ayaa ku xukumay macalinka Soomaaliga 35 sanno oo xabsi ah, waxa uuna sheegay in xukunkan u cugsaday kaddib markii la helay marqaatiyaal.
Qaar kamid ah dadka u dhaq dhaqaaqa dadka ayaa soo dhaweeyay xukunkan lagu riday macalinka kufsiga geestay, waxa ayna sheegeen in tallaabadan tusaale u noqon doonto kuwa isku dayaya in fal nuucaan oo kala ah geestaan.