Allbanaadir.com
NEWS

Gabar 13 jir ah oo $63,000 ku bixisay cayaarta fiidiyow-game-ka iyo sida ay ku dhacday

Waalidiin Shiinaha u dhashay ayay fajaciso ku noqotay markii ay ogaadeen in gabadhooda 13 jirka ah ay adduun dhan 449,500 yuan ($63,000) ku bixisay cayaarta fiidiyow-game-ka.

Mar qura ayay ka war heleen koontadii ay lacagta ku dhuran jireen oo faaruq ah – kaliya nus doolar ayaa loogu tagay. Haweeneydan iyo seygeeda waxay gu’yaal badan lacag ku keydsan jireen koonto bangi oo ay wada leeyihiin. Laakiin marnaba ma moodayn in qofka sida maalinlaha ah lacagtooda ula baxa ay tahay gabadhooda si ay ugu dheesho qamaar fiidiyow game lagu tartamayo. Waxay isticmaali jirtay kaarka bangiga ee ku qoran magaca hooyadeed – waxayna inta ay doonto kala bixi jirtay goor walba oo ay u baahato lacag. Waxa yaabka leh ayaa ah inay ku dadaali jirtay inaysan waalidiinteedu marnaba fahmin sirteeda, waxayna dhammaanba masixi jirtay xogta bangigu uu farriin ahaan ugu soo diro nambarka hooyadeed.

Gabadhan ayaa gaartay heer ay si xun u qabatintay cayaartan oo aysan saacadna moogaan karin inay dheesho mooyee. Waxay xattaa saaxiibadeeda iskuulka u iibisay games lacag lagu gato si aysan sirteeda ula wadaagin waalidiinteeda – sidoo kale-na ay iskula dheelaan. Adduunka ay saaxiibadeeda maslaxo ahaan u siisay waxay gaaraysaa 100,000 yuan oo ah lacagta Shiinaha.

Hooyada dhashay inanta 13-jirka ah ayaa qiratay inay ku qaldaneyd siinta nambar sireedka koontada bangigeeda, maadama ay – iyada ahaan – is lahayd waxay dedgeg ugu baahan kartaa lacag adiga oo jooga meel ka fog iyada. Marnaba ma moodeyn inay gabadheedu muddo afar bilood gudahood ah ku xaalufin doonto dhammaan lacagtii u tiilay bangiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney lagu soo dalacay biil koronto oo gaaraya 284 bilyan oo dollar?

Caydiid Ali

Shil dhimasho & dhaawac badan sababay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo booqday xarunta shirkadda Huawei (Sawirro)

Cabdi Cade