Waxaa saacadihii lasoo dhaafay la faafiyay warar sheegayay in dhaq dhaqaaqyo ciidan magaalada Garawe iyo duleedkeeda ka wadaan ciidamada taabacsan mucaaradka Puntland ee isku magacaabay kumaandooska Danab ee Puntland.
War kasoo baxay taliska ciidamada mucaaradka ku ah madaxweyne Deni ayey ku sheegeen in aysan jirin wax dhaq dhaqaaqyo ah ay wadaan , waxa ayna ugu baaqeen dadka warkan faafiyay ka shaqeenayaan abuurista dhiilo iyo in shacabka la barakiciyo.
“Ciidanka Kumaandooska Danab Puntland waxay bulshada Puntland gaar ahaanna kuwa caasimadda Garoowe u caddaynayaan in aysan jirin wax dhaq dhaqaaq ciidan ah oo ka jira dhankeena, halaga daayo bulshada dhiilada colaada iyo barakacinta ” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay ciidanka taabacsan mucaaradka Puntland.
Ciidamadan oo isbuucyo kahor dagaal dhiig badan ku daatay magaalada Garawe kula galay ciidamo taabacsan madaxweyne Deni ayaa saldhig hadda u ah kuna sugan xerada Ligle ee duleedka caasimadda Garoowe .
Dagaalkii ka dhacay magaalada Garawe kana dhashay wax ka bedelka Dastuurka Puntland ayaan wali xal rasmi ah laga gaarin, waxaana wali magaalada wada jooga ciidamada taabacsan madaxweyne Deni iyo kuwa kasoo horjeeda.