Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u xooggan ayaa ka socda deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Galgaduud, waxaana ciidamada dowladda Soomaaliya isku diyaarinayaan in ay weeraraan deegaanno iyo degmooyin Al Shabaab heestaan.
Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Abshir Cabdi Shiiqoow ayaa sheegay in ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka ay ku jiraan diyaar garow dagaal ay ku wajahayaan kooxda Al Shabaab.
Waxa uu sheegay wasiirka warfaafinta Galmudug in ciidamada todobaadka soo socda qaadayaan howlgalo xooggan ay ku qabsanayaan degmooyinka iyo deegaannada Al Shabaab ka heestaan Galmudug.
Howlgalka ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku doonayaan in ay kula wareegaan degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ayaa wararka aan helnay sheegayaan in Galmudug aysan ku laheyn door muuqda.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa marar badan ku fashilmay in ay gaaraan degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeeri oo Al Shabaab saldhigyo waa weyn ku leeyihiin sannado badana halkaas heestaan.