Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka oo la xisaabtamay Wasiirka Waxbarashada (Sawirro)

Waxaa maanta oo ay Taariikh-du tahay 16/07/2023  xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa kulan ku yeeshay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka BJFS 11aad iyo Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare XFS.

Kulanka waxaa shir Gudoominaysay Gudoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka BJFS 11aad Xil.Nadra Saalax Cabdi oo uu wehlinayay Xoghayaha Guddiga Xildhibaan Mukhtaar Axmed Xasan Saajid iyo Xubnaha Xildhibaanada Guddiga.

Ajendaha kulan ayaa ahaa la-xisaabtanka iyo Kor-joogteynta Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare XFS.

Wasiir Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare XFS Mudane Faarax sheekh Cabduqaadir ayaa Guddiga Warbixin Guud ka siiyay howlaha baaxada leh ee hor-yaala Wasaaradda waxa uqab-soomay waxyaabaha ay hiigsanayaan iyo yoolkooda fog ee ay ku doonayaan inay ku Horumariyaan Adeegyada Waxbarashada Dalka.

Intaa kadib Xubnaha Guddiga ayaa mid mid u Weydiiyay Wasiirka Su’aalaha la xariiray Waxbarashada Dalka Qorsha-howleedka Wasaaradda iyo dhammaan Howlaha iyo shuruucda hor-tebinta uleh Adeegyada Waxbarashada Dalka.

Waxyaabaha kulanka Diirada lagu saaray.
waxaa kamid ah, Horumarinta Waxbarashada Dalka.

Man-hajka Dalka Imtixaanadkii shahaadiga ahaa ee ay dhawaan Wasaaraddu qaaday halka ay wax umarayaan Macalimiintii dhawaan ku guuleystay Imtixaanadkii ay qaaday Wasaaradda ku waasoo gaarayay 3,000 Macalimiin ah.

Sidoo kale Wasiirka waxaa wax laga weydiyay.
Deeqaha Waxbarashada ee loogu deeqo Dalkeena Soomaaliya Wadamada Caalamka ee aynu ka helno iyo sida ay Wasaaraddu u Maareeyso Deeqahaasi Waxbarasho.

Dhanka kale waxaa wasiirka wax laga weydiyay tirada Iskuulada Dowladda ee ku jira Gacanta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare XFS.

Guud ahaan Mashaariic-da Hoos yimaada Wasaaradda sida loogu qoondeyay Dowlad-gobolleedka Dalka Mashaariic-da Socda Socda iyo kuwa la-filayo in dhawaan Xariga laga Jaro.

Ayadoo uu Wasiirka ka jawaabay Dhammaan Su’aalihii ay weydiiyaan Xubnaha iyo Gudoonka Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka BJFS 11aad.

Gudoomiye Xil.Nadra ayaa aad uga Mahadcelisay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Mas’uuliyiintii la socday ayadoona sheegtay inay muhiim tahay Wadashaqeynta isla xisaabtanka iyo Kor-joogteynta ka Guddi ahaana ay wax badan ka qaban doonaan Adeegyada Aas-aasiga iyo Dardar gelinta iyo Ansixinta Shuruucda Horutebinta uleh Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Related posts

DEG DEG: Xamaas oo ugu dambeyn ogolaatay heshiiskii xabad joojinta Gaza

Caydiid Ali

Sheekh Aadan Madoobe oo kulan xasaasi ah la qaatay Saraakiil Itoobiyaan ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Laba nin oo doonayey inay afduubaan guddoomiye gobol oo dembi lagu helay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---