Allbanaadir.com
NEWS

Qoor Qoor oo guddoomiyay Shir looga arrinsanayay howlgal ka dhan ah Al Shabaab (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shir xasaasi ah oo looga haayay oo arrimo kala duwan.

Shirkan ayaa diirada lagu saaray xaaadda guud amniga dowladda Galmudug, amniga caasimadda iyo dardargelinta wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa saraakiisha amniga ka dhageestay diyaar garow ka xiriira howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo ka bilaabanaya qeybo kamid ah deegaannada Galmudug.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Galmudug ayaa wada diyaar garow la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaanno iyo degmooyin katirsan Galgaduud oo gacanta Al Shabaab ku jira.

Related posts

Kursi doorashadiisa horey u hakiyeen Guddiga Doorashada oo maanta la doortay (Sawirro)

Cabdi Cade

Qaar ka mid ah agaasimeyaasha Wasaaradaha DF oo xil ka qaadis wajahaya

Caydiid Ali

Dahabshiil oo markii ugu horeesay Muqdisho keentay Gaadiid cusub (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---