Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kuleyl xad dhaaf ah oo saameeyey qeybo ka mid ah Yurub & Mareykanka (Sawirro)

Qeybo ka mid ah Mareykanka iyo qaar ka tirsan dalalka Yurub ayaa waxaa saameyn adag ku yeeshay kuleyl daran oo ka dhashay cimilada qoraxda.

Talyaanigu waxa uu 16 magaalo ka soo saaray digniino guduudan oo cimilada kulul ah la xiriirta, iyadoo khubarada saadaasha hawada ay ka digayaan in heerkulku uu gaari doono heerkii ugu sareeyay ee koonfurta Yurub maalmaha soo socda.

Dawladda Talyaanigu waxay kula talisay cid kasta oo ku sugan meelaha ay khusayso digniinta la soo saaray inay ka fogaadaan iftiinka qorraxda tooska ah inta u dhaxaysa 11:00 iyo 18:00, si gaar ahna u daryeelaan waayeelka iyo kuwa jilicsan.

Kulaylka ayaa socda muddo ka badan sidii caadiga ahayd ee horay looga bartay, heerkulka habeenkiina waa mid aad u sareeya.

Jaziirada La Parma ee Isbanishka, ayaa dhanka kale, ugu yaraan 4,000 oo qof ay qasab ku noqotay in laga daadgureeyo dabka kaymaha, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Isbaanishka, Talyaaniga iyo Giriiga ayaa dhowr maalmood horeyba waxaa u soo maray kulayl daran, taas oo waxyeelo u geysatey beeraha iyo in dalxiisayaashu ay u yaacaan meelo badan

Toddobaadka soo socda waxaa Yurub laga filayaa in heerkulka uu aad u kaco.

Dhinaca kale, Mawjado kuleyl ah ayaa halis gelisay dhul ballaaran oo ku yaalla Koonfur Galbeed ee Mareykanka, iyadoo qaar ka mid ah xarumaha qaboojinta ay kordhiyeen saacadahooda iyo qolalka gargaarka degdegga ah oo loo diyaariyey in lagu daweeyo dad badan oo kuleylku saameeyey.

Adeegga Cimilada Qaranka ee Phoenix ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka dadka kula taliyay inay raacaan talooyinkeeda badbaadada sida cabitaanka biyo badan iyo hubinta qaraabada iyo deriska.

In ka badan 110 milyan oo qof, ama qiyaastii saddex meelood meel dadka Mareykanka ah, ayaa waxaa saameeyey kulaylka ba’an, iyadoo digniinaha kulaylka ba’an la saadaalinayo inay ka sii dari doonto usbuucan gobolada Nevada, Arizona iyo California.

Heerkulka meelaha saxaraha ah qaarkood ayaa la saadaaliyay inuu kor u dhaafay 120 darajo Fahrenheit ama (48.8 darajo Celsius) inta lagu jiro maalinta halka habeenkii uu gaaro 32.2 C.

Ku dhawaad 200 oo xarumood oo fuuq-celinta ah oo qaybinaya dhalooyinka biyaha iyo xarumaha qaboojinta halkaasoo kumanaan qof ay ku nasan karaan hawo qaboojiyeyaal ayaa Sabtidii laga furay goobaha dadweynaha sida maktabadaha, kaniisadaha iyo meheradaha ku hareeraysan agagaarka Phoenix.

“Waxaan halkan joogay afar xagaa hadda waana tan ugu xun,” ayuu yiri Sanders, alxanle hore oo asal ahaan ka soo jeeda Denver.

David Hondula, oo ah madaxa kulaylka ee magaalada Phoenix, ayaa sheegay Jimcihii in khataraha caafimaad dartood xarumaha gargaarka deg dega ah ay kordhiyeen saacadaha shaqada.

Related posts

Daawo Sawirada: Danjiraha Somalia u fadhiya Itoobiya oo Warqadaha aqoondiga laga gudoomay

Cabdi Cade

Sidee loogu yeeshay Soomaaliya deynta laga cafiyey ee gaareysa 4.5 Bilyan?

Caydiid Ali

Sayid Cali Shiikh Max’ed oo sharci daro ku tilmaamay xilka ka qaadista lagu sameeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---