Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Aadan Madoobe oo hal arrin ku amaanay qaar ka mid ah Guddiyada Golaha shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xafiisyada guddiyada ee Golaha Shacabka BJFS.

Guddoomiyaha ayaa u kuur galay shaqada ka socota guddiyada, kuwaas oo ku howlan kor-joogteynta hay’adaha dowladda iyo sida ay u socdaan kulamada guddiyada. Waxaana uu Guddoomiyuhu ku dhiirageliyay xildhibaannada in ay ilaaliyaan joogitaanka kulamada.

Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay guddiyadda shaqooyinka baaxadda leh, la xisaabtanka iyo korjoogteynta hay’adaha dowladda.

Guddiyadda maanta sida gaar ah u kormeeray waxaa ka mid ah Guddiga Arrimaha Bulshada, Guddiga Gaadiidka, Tamarta iyo Garoomada Diyaaradaha, Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Difaaca.

Related posts

Xildhibaano si kulul uga hor yimid go’aan ka soo baxay Wasaaradda A/Gudaha Puntland

Caydiid Ali

Al Shabaab oo shaacisay Khasaaraha AMISOM kasoo gaaray qarax ay la beegsadeen

Cabdi Cade

Madaxweyne Xassan shiikh oo dhambaal u diray Dhaxal sugaha Sacuudiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---