Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Amniga xarunta G/Banaadir oo la xoojiyey iyo Booliska oo amar soo saaray (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar galinta amniga xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Waxaa sidoo kale kulankaas ku wehliyey Guddoomiye ku-Xigeenka Amniga, siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye iyo masuuliyiin kale.

Kulankan oo uu goob joog ka ahaa taliyaha cusub ee Ciidanka Birimadka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya waxa ay fareen saraakiisha ciidanka ilaalada xarunta dowladda hoose in ay muujiyaan foojignaan dheeri ah.

Waxaa ciidankaas lagu amaanay sida dhiiranaanta leh oo ay uga hortageen weerarkii 22-January ee sanadkan lagu soo qaadday xarunta Gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirada iyo Xildhibaanada DFS ee ka soo jeeda Awdal oo u digay Itoobiya

Caydiid Ali

Sida loogu sirmay Jaamacadaha bixiya Shahaadooyinka bugta ah ?

Cabdi Cade

Faahfaahino ka soo baxaya Weerar lagu qaaday xarunta degaanka Garasbaaley

Caydiid Ali
Taboola Ads ---