Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dhulgariir ka dhacay xeebaha Mareykanka & dignin laga bixiyey Tsunami (Sawirro)

Dhulgariir cabirkiisu dhan yahay 7.4 ayaa ku dhuftay xeebaha Jasiiradda Alaska ee dalka Mareykanka, iyadoo digniin laga saaray tsunami.

Dhulgariirkan cabirkiisa lagu qiyaasay 7.4 ayaa ku dhuftay gobolka Alaska subaxnimadii hore ee saaka, sida ay sheegtay hay’adda sahanka dhulka ee Maraykanka (USGS).

Nidaamka Digniinta Tsunami ee Mareykanka ayaa soo saaray digniin sunami ah oo loogu talagalay gobollada Pacific-ga ee ku yaal meel u dhow dhulgariirka.

Dhul-gariirku wuxuu ahaa mid aan gabbasho lahayn, wuxuuna ku dhacay qoto dheer 9.3 km (5.78 mayl), sdida ay sheegtay hay’adda sahanka dhulka ee Maraykanka.

“Xeebaha kale ee Maraykanka iyo Kanada ee Baasifigga ee Waqooyiga Ameerika, heerka khatarta sunamida ayaa la qiimeeynayaa” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xarunta qaran ee digniinta Tsunami oo ay soo xigatay wakaalada wararka ee AFP.

Bishii Maarso 1964 waxaa gobolka Alaska ku dhuftay dhulgariirkii ugu xoogganaa ee abid laga diiwaan geliyo Waqooyiga Ameerika, kaasoo kiciyay tsunami ku dhuftay Gacanka Alaska, xeebta galbeed ee Mareykanka iyo Hawaii. Dhulgariirkii 1964kii iyo tsunamigii xigay ayaa dilay in ka badan 250 qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo cambaareysay xad gudub ay ku kaceen ciidamada Itoobiya

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Ciidul-fitriga, shacabka Soomaaliyedna hambalyo u diray

Caydiid Ali

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo wareegii koobaad lagu kala baxay (Yaa ku Guuleestay)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---