Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii u dambeeyey dagaalka Sudan iyo dhinacyada is haya oo bilaabaya..

Wakiilo ka socda milateriga Suudaan ayaa gaaray magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga si ay dib ugu billaabaan wada-hadallada ay la leeyihiin Jabhadda Rapid Support Forces (RSF), sida ay ilo-wareedyo ka tirsan dowladda Suudaan u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters, kaddib saddex bilood oo dagaalo culus ay dhexmarayeen magaalada Khartuum iyo qeybo kale oo ka tirsan.

Wadahadaladii hore ee Jeddah oo ay fududeeyeen Sacuudi Carabiya iyo Mareykanka ayaa labadda dal hakiyay horraantii bishii June ka dib markii la jebiyey xabad joojin badan oo la gaaray. Sacuudiga iyo Mareykanka ayaan weli xaqiijin dib u billaabashada wadahadalka u dhaxeeya dhinacyada isku haya Suudaan.

Isku dhacyo cusub ayaa Sabtidii shalay ka dhacay Omdurman iyo Bahri oo ka tirsan magaalada Khartoum, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Ugu yaraan afar qof oo rayid ah ayaa ku dhintay afarna waa ay ku dhaawacmeen duqeyn ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn la beegsadeen isbitaal ku yaalla magaalada Omdurman, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Suudaan, iyadoo duqeyntaas ku eedeysay RSF.

Ciidamada Sudan ayaa tirada dadka ku dhintay weerarka Isbitaalka Medical Corps waxay ku sheegeen 5 qof.

Sidoo kale sabtidii, RSF waxay soo saartay bayaan ay ku beeninayso natiijada warbixin ay soo saartay Human Rights Watch oo lagu sheegay in maleeshiyo Carbeed iyo ciidamada RSF ay tobanaan rayid ah ku dileen hal maalin magaalada Misterei ee galbeedka Darfur bishii May.

Duulaankan ayaa ka mid ahaa mowjado weeraro ah oo isir ku salaysan oo ku baahay Daarfuur tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay Khartoum.

RSF waxay sheegtay in rabshadihii ka dhacay Misterei iyo magaalada El Geneina ee u dhow ay ahaayeen “qabiil kaliya” oo aanay iyagu qayb ka ahayn. Waxa ay sheegtay in ciidamadeeda laga saaray Misterei oo la geeyay El Geneina.

Markhaatiyaal badan iyo hawl-wadeenno ayaa ka warbixiyay ku lug lahaanshaha RSF ee rabshadaha El Geneina iyo meelo kale oo Darfur ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu agaasime Max’ed Aadan Koofi ka yiri xilka ka qaadista lagu sameeyey?

Caydiid Ali

Madaxweyne Geelle & Dhigiisa Masar oo ka wada hadlay qodobo xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Waa Maxay shaqada & waajibaadka Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---