Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saciid Ciise: “La-tashiga Siyaasiyiin isrogrog badan waxay dhibaato ku tahay madaxda DF”

Isma Qaadan Karaan Madax Furan oo Isbedel Doona iyo Madax Xiran oo Dhaqan La Yuura

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Maxamud iyo ku xigeenkiisa ah Raisul wasaaraha Mudane Hamze Abdi Bare ayaa kulamo wadatashiya la qaatay siyaasiyiinta mucaaradka iyo madax iyo masuuliyiin horay u soo maamulay dowladda Soomaaliya, waxeyna tilaabadaas ahayd mid ka turjumeysa habdhaqan wanaagsan oo masiirka dalka looga talo gelinayo siyaasiyiinta dibed jooga ka ah xukuumadda maamuleysa hogaaminta dowladda.

Waxaase mudan in la tixgeliyo in dowladda Soomaaliya aysan marna si dhameystiran u noqon dowlad hanaankeeda siyaasadeed uu ku qotomo nidaam casriya oo mabda’eedu salka ku hayo ku dhaqanka dowladnimo dimoqaraadiya, waxaana dowladnimada Soomaaliyeed caqabad weyn ku ah ku dhaqanka xeerar haraadiya oo heyb ahaan ka soo jeeda ku dhaqanka qabyaalada, musuq maasuq, iyo kooxeysiga dariiqooyin diimeed oo iska wada soo horjeeda, kuwaas oo dhamaantood ka soo wada horjeeda adeegsiga casriga ah ee dimoqaradiyad ku maamulida dowladda.

Madaxda sare ee hogaamineysa dowladda Soomaaliya ayaa hiigsaneysa in la casriyeeyo siyaasadaha lagu maamulayo habraaca hanaanka dowladda, waxeyna hayaan ugu kaceen in uu dalku yeesho dastuur dimoqaraadiya oo si rasmiya dalka loogu xukumo, in dalku yeesho xisbiyo kooban oo ah laba xisbi oo waaweyn, in la qabto doorashooyin qof iyo coda, in musuqa iyo qashinka dowladda ku dhexjira laga sifeeyo, in dagaalka sokeeye ee u dhaxeeya dowladda iyo xagjirka la soo afjaro, iyo in dalku yeesho hanaan madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen.

Madaxda talada dalka haysa waxey u fekerayaan si ku dhisan siyaasado isbedel doon ah, waxeyna fikradahaas ay ka turjumeyaan madax furnaan xora (Open-minded, Liberal Democracy), Waxeyna madaxdaas wax walba ka door bidayaan iney dhaqaajiyaan isbedel ku yimaada hanaanka dowladda oo lagu saxo qaladaadka ka dhexjira nidaamka maamulka dowladda oo aysan dowladnimada Soomaaliya aysan marna fursad u helin laga soo bilaabo xukunkii gumeysiga ka dib iney noqoto dowlad ku dhaqanta xukun ku shaqeeya dimoqaraadiyad dhaba.

Waxaa haboon inaan la hilmaamin in madaxdii dalka horay u soo hogaamisey intii ay xilka hayeen aysan marna dalka u horseedin isbedelo ay ku sameeyaan hanaanka dowladda, waxeyna madaxdaas ay mar kasta raacsanayeen in dalka lagu hayo sida uu ahaa jirey, waxeyna tixgelinayeen habdhaqanada ku dhex duugan dowladda oo ay ka mid ahaayeen awood ku qeybsiga ku dhisan saami qeybsiga beelaha, taas oo ka turjumeysa fikrado ku saleysan dhaqan la yuurar (Traditional, Conservative politics), waxeyna madaxdaas ay hadda xooga saarayaan inaan la sameyn wax isbedela oo carqaladeynaya degenaanshaha hanaankii horey u soo jirey.

Marka fikradaha dhaqan la yuuraka lagu fiiriyo dareen maskax baraarugsan waxaa kuu cadaanaya iney rabaan dhaqamadii haraadiga ahaa oo ragaadiyey dowladnimada Soomaaliyeed iney halkoodii ka sii socdaan, waxaana ka mida in bulsho ahaan iyo siyaasad ahaan ay dowladdu ku tiirsanaato dhaqanka qabyaaladda oo haddii loo baahdo iyada lagu casriyeeyo habdhaqanka dowladda, iyadoo isbedelka lagu sameynayo uu noqdo mid gurguuranaya oo qarnigiiba hal mar wax xoogaa xoojina lagu sameynayo.

Waxey fikradahaas dhaqan la yuurarka ah ay doonayaan in mudnaan gaara la siiyo qabiilo gooniya iyo maamuladooda oo aysan dowladdu wax awooda aysan ku yeelan ismaamulkooda (exceptionalism), waxeyna taas horseedeysaa dhaqan boqortooyo oo aan wax isbedela lahayn, laakiin ay awoodaha kala dhaxlayaan beelo gaara siyaasiyiintooda (Fully Autocratic Monorchy), waxeyna habdhaqankooda dowladnimo ku meelmariyaan siyaasado ku saleysan dhexdhexaadinta hogaamiye dhaqameedka oo ah heshiis dadweyne oo soo jireen ah meesha loo baahna in dastuurka oo ah heshiis dadweyne casriya qawaaniintiisa la isku xukumo.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo kuwa horay u soo xukumay dalka waxey ka soo kala jeedaan kuwo rumeysan dimoqaradiyad ku saleysan qabyaaladda (tribal democracy) iyo kuwo ka soo jeeda kooxo dariiqooyin diimeeda oo diinta ku dabaqayo dimoqaraadiyadda (Religious sect Democracy), waxeyna dhamaantood ku wada mideysan yihiin diidmada xukun aysan ka mid ahayn oo isbedel ku sameynaya hanaanka dowladda, waxeyna taladoodu tahay iney inta karaankooda ah ay yareeyaan xawaaraha isbedelka lagu sameynayo.

Waxaa muhimad gaara leh in madaxdaas laga qeybgeliyo iney talo ka soo dhiibtaan hanaanka ay madaxda dowladda ay ku damacsan tahay iney dalka ku gaarsiiso isbedelo horseeda dejinta nidaam dowladeed oo xukunka dimoqaradiyada rayidka uu ku dhameystiran yahay, balse waxaa la gudboon madaxda sare ee hogaamineysa dalka ineysan hiigsigoodu ku xirmin hanka ay madaxdaas ku joojinayaan dadaaladooda iyo ineysan la yaab ku noqon talooyinka loo soo jeedinayo oo ay ka muuqato hakin iyo ku dhaqmida dibugurasho xeeladeysan oo intuba ay macnahoodu ku dhan yihiin “mudane tartiibso oo dib u soo soco oo ku hay dowladda meeshii ay taagneyd marka aad xilka la wareegtey.”

Siyaasiyiinta ka soo kala jeeda koox diimeedyada waxey isku wada raacsan yihiin iney mucaaradaan isbedelka lagu sameynayo hanaanka dowladnimada, waxeyna raali ka wada yihiin in doorashada tan xigta cida ku guuleysata ay xaq u leedahay iney qaado tilaabooyinka wax looga bedelayo hanaanka dowladnimada Soomaaliya, balse marka ay timaado in doorashadaas uu ku soo baxo qof aan iyaga ahayn ayey haddana bedelayaan mowqifkooda oo aay ku adkeysanayaan inaan la sameyn karin wax isbedela inta laga helayo doorasho ay dadku si toosa ay ugu soo doortaan madaxda hogaamineysa, taas oo ah mida ay diidanaayeen iney dhacdo.

Siyaasiyiintaas isrogroga badan talo ka qaadashadoodu waxey dhibaato ku noqoneysaa madaxda sare ee dowladda oo hogaankooda ay ka bixinayaan muuqaalo cabiraya go’aan qaadasho aan degenaan siyaasadeed lahayn, sidaas daradeed ayey labada dhinacbaa talo isweydaarsigoodu waxey midba midka kale u  tahay wakhti dhumis, mana jirto caalamka meel ay talo ku kala qaataan siyaasiyiinta xagjirka ku ah caadooyinka dhaqan ku dhegenaashaha iyo kuwa maskaxda furan oo isbedel doonka ah, waxeyna talawadaagoodu ku soo dhamaanayaan qabashada kulamo isxigxiga oo la isku yool baaarayo, balse aan lahayn natiijo waxtar leh oo ay kala macaashaan.


Dr. Saciid Ciise Maxamud 
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

Related posts

Golaha ammaanka ee QM oo war cusub ka soo saaray joogitaanka ciidanka AMISOM

Caydiid Ali

Madaxweyne dhowaan lagu qasbay inuu xilka ka dego oo xabsi loo qalqaalinayo

Caydiid Ali

Qarax bam oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo khasaare nafeed oo ka dhashay

Caydiid Ali