Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dal Yurub ka tirsan oo dadkiisa lacag ku siinaya iney toshaan dharka & kabaha

Faransiiska ayaa bilaabaya barnaamij lacag lagu siinayo dadka inay dayactirtaan dharkood iyo kabaha intii ay tuuri lahaayeen oo ay kuwo cusub soo iibsan lahaayeen.

Laga bilaabo bisha October, lacagtan ayaa dadku ku heli doonaan qaab qiime-dhimis ah oo u dhaxeysa €6 (£5) iyo €25 (£21) halkii mar ee ay dayactir sameeyaan.

Bérangère Couillard, oo ka tirsan dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in ilaa 700,000 oo tan oo dhar ah sanad walba lagu daadiyo meelaha khashin qubka.

Ms Couillard ayaa ku boorrisay “dhammaan meelaha dharka lagu tolo iyo goobaha kabaha lagu sameeyo ay ku biiraan hannaankan”. Muhiimadda ayaa ah in la taageero shirkadaha dharka jeexma tola lana abuuro shaqooyin.

Waxay sheegtay in dowladdu ay ka go’an tahay wax ka qabashada dharka casriga ah ee mar walba lasoo iibsanayo, dadkana lagu dhiirrigeliyo inay soo iibsadaan kuwo ay dayactirtaan.

Refashion, oo ah koox codsaneysay in la sameeyo hannaankan, ayaa sheegtay in 3.3 bilyan shey oo dhar ah, kabo iyo kuwo kale sanadkii lasoo dhaafay lasoo geliyay suuqyada Faransiiska.

Balse qof walba kuma qanacsana talada dowladda ee ah in dadku ay dayactirtaan dharkooda.

Kooxaha ganacsiga ayaa ka digay in “la cunsuriyeeyo” qeyb muhiim ah oo ganacsiga Faransiiska ka mid ah, halka xildhibaanka kasoo jeeda Jamhuuriyiinta garabka Midig Eric Pauget uu ka cawday in dowladdu ay haatanba ku jirto deyn gaareysa €3tn ayna tahay inay “joojiso in lacagta dadka Faransiiska ay daaqadda ka tuuraan”.

Pascal Morand oo ka tirsan Isutagga Haute Couture and Fashion Federation ayaa ka walaacsan suurtogalnimada saameynta shirkadaha dharka ee qaaliga ah.

Qeyb kale oo ka mid ah qorshaha Faransiiska ee lagu dhiirrigelinayo dharka gudaha dalkaas lagu sameeyo ayaa ah in shirkadaha dharka ay raacaan shuruuc cusub laga bilaabo 1 January 2024, shuruucdaasoo dhigaya inay qeexaan saameynta deegaan ee ka dhalan karta.

Shuruucdan cusub ayaa shirkadaha dharka sameeya waxaa laga doonayaa inay soo bandhigaan liiska xaddiga biyaha ee loo baahan yahay marka dhar la sameynayo, isticmaalka kiimikada iyo saameynta deegaan ee ka dhalan karta.

Shirkadaha dharka sameeya waxay ka mid yihiin ganacsiyada uguw aaweyn Faransiiska, sanadkii lasoo dhaafayna waxay abuureen dakhli dhan €66bn iyo kumannaan shaqooyin ah.

Inkastoo Faransiisku yahay dalka afaraad dalalka Midowga Yurub ee dharka dhoofiya, haddana hoos u dhac ayaa shirkadaha dharka ku yimid sanadihii la soo dhaafay.

Barta Internet-ka ee Fashion United ayaa sheegtay in sanadkii 2020 dadka Faransiiska ay celcelis ahaan dharka ku kharash gareeyeen €430, taasoo ka hooseysa intii laga rabay dalalka Midowga Yurub.

Isha: BBC

Related posts

Madaxweyne Trump oo hanjabaad culus u jeediyay dowlada Ciraaq shuruudna ku xiray ka bixitaanka …

Cabdi Cade

Safaarada Turkiga oo soo dhoweysay talaabo uu qaaday Golaha shacabka Somalia

Caydiid Ali

Madaxweyne Erdogan iyo Ra’isul Wasaare Kheyre oo kulan Muhiim ah yeeshay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---