Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka, ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka wada tuulooyinka u dhexeeya degmada Galcad iyo degaanka Bud-bud ee gobolka Galguduud.
Howlgalka ayaa lagu dilay xubno fara badan oo ku sugnaa deegaan lagu magacaabo Gariyaale.
Saraakiisha ciidanka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Howlgalkaan lagu dilay 18 ka tirsanaa Al-shabaab  oo ay kujiraan horjoogayaal.
Meydadka ragga la laayey iyo hub laga furtay ayaa lagu soo bandhigay baraha bulshada gaar ahaan barta telegram ee warbaahinta dowlada.
Howlgalka ayaa khasaare xooggan lagu gaarsiiyay waxaana lagu burburiyay goobo al-shabaab keyd u ahaa oo ay Sunta iyo alaadaha kale ee ay ka sameeyaan walxaha qarxa u yaaleen sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada DF.