Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Koonfur Kuuriya 26 qof ayaa dhimatay, 10 kalena waa la la’yahay ka dib markii..

Roobab mahiigaan ah oo maalmo ka da’ayay Kuuriyada Koonfureed ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 26 qof, 10 kalena waa la la’yahay dhul go’yo, daadad iyo dhacdooyin kale sida dowladdu sheegtay.

Dhimashada 26-ka ah ayaa la soo sheegay Jimcihii iyo Sabtida maanta, kuwaasoo dhammaantood ka kala dhacay gobollada dhexe iyo Koonfur-bari, sida ay wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga ku sheegtay warbixin.

Warbixin hore oo ay wasaaraddu soo saartay subaxnimadii Sabtida ayaa lagu sheegay in shan qof ay dhinteen ka dib markii dhul go’ ka dhashay roobab mahiigaan ah ay aaseen guryahoodii. Labo kale ayaa sidoo kale ku dhintay shilal la xiriira dhul go’. Laakiin warbixintii ugu dambeysay ee wasaaraddu ma aysan sharraxin sababta dhimashada dhimashada dheeriga ah.

Saraakiisha Wasaaradda ayaa sheegay in roobabkii dabaylaha watay ay sidoo kale ku waayeen 10 qof tan iyo Talaadadii, iyo 13 kale oo dhaawac ah tan iyo Khamiistii.

Kuuriyada Koonfureed ayaa waxaa ka da’ay roobab mahiigaan ah tan iyo 9-kii bishii Luulyo. Warbixinta wasaaradda ayaa lagu sheegay in roobabku ay ku qasbeen ilaa 5,570 qof inay ka guuraan guryahooda,. Waxay sheegtay in in ka badan 4,200 oo qof ay ku hareen hoy ku meel gaar ah habeenkii Sabtida.

Sidoo kale Sabtidii, 20 duullimaad ayaa la joojiyay, waxaana la hakiyay adeegga tareenada ee caadiga ah ee dalka, ayay wasaaraddu sheegtay. Waxay sheegtay in ku dhawaad 200 oo waddo ay weli xiran yihiin.

Wakaaladda cimilada ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in qaybo ka mid ah dalka ay ka sii socdaan roobab mahiigaan ah. Madaxweyne Yoon Suk Yeol, oo booqanayay Ukraine Sabtidii, ayaa weydiistay Ra’iisul Wasaare Han Duck-soo inuu abaabulo dhammaan agabka la heli karo si looga jawaabo musiibada, sida uu sheegay xafiiska Yoon.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Muuse Biixi oo safiiro u magacaabay dalal uu ku jiro Imaaraadka Carabta

Caydiid Ali

 Jen. Tigabu Yilma oo maanta tagaya Kismaayo iyo xog ku aadan u jeedka Socdaalkiisa

Cabdi Cade

Hadalada beesha caalamku ka adag kuwii hore ee talaabada quman Maxay tahay?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---