Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somaliland oo ka falcelisay eedeyn kaga timid Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Somaliland ayaa ka falcelisay warbixin  ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO uga hadashay burburka dagaalku u gaystay xarumaha Caafimaadka Laascaanood.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibaadda Somaliland ayaa lagu sheegay in ciidamada Somaliland ay dhulka iyo shacabka Somaliland ka difaacayaan argagixiso iyo maleeshiyo beeleed, isla markaana ay sameeyeen dadaal kasta oo lagu ilaalinayo shacabka iyo heyadaha danta guud.

“Waxaanu samaynay dadaalkasta si aanu u ilaalino noloshada dadka iyo kaabayaasha shacabka oo ay ku jiraan isbitaalada iyo xarumaha adeega Caafimaadka, sannado badan ayay dowladu ka shaqaynaysay dhismaha iyo horumarinta xarumahan, waxayna siisay adeeg caafimaad oo balaaran dadka reer Laascaanood” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa sidoo kale qoraalka  lagu sheegay in Somaliland ay ku dadaashay in ay gargaar aadaminimo gaarsiiso shacabka colaada ku barakacay, isla markaana loo baahanyahay in WHO la shaqayso Somaliland.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa cambaareysay duqaymo lala beegsaday qaar ka mid ah xarumaha Caafimaadka Laascaanood kuwaasoo adeegyo caafimaad siinayey shacabka magaalada

Related posts

Afar kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Puntland oo bixiyay lacag Waali ah !!

Cabdi Cade

Dilal goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Ugaas C/llaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo Runta u sheegay Xildhibaanada Ahlu Sunna

Cabdi Cade
Taboola Ads ---