Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nin loo fasaxay inuu safaarada Israiil ku gubo kutubta Towrad & Bible oo go’aan kale qaatay

Ninkii la filayay in kutubta Towrad iyo Bible-ka ku gubo ka soo horjeedka safaarada Israel ee magaalada Stockholm caasimadda dalka Sweden ayaa daqiiqadii u dambeysay joojiyey talaabadaas.

Ninkan oo muslim ah ayaa yimid meel u dhow safaaradda Israa’iil ee magaaladaas halkaasoo oggolaansho loo siiyay inuu dibad bax ka dhigo, kuna gubo labada kutub ayaa sheegay inaysan ahayn in la gubo kutub barakeysan, wuxuuna cambaareeyay sida nuqul ka mid ah Qur’aanka Kariimka loo gubay bishii hore iyo Bilowgii sanadkan.

Ninkan oo magaciisa lagu soo koobay Axmed ayaa sheegay in ujeedkiisu ahaa inuu ka falceliyo arrintaas iyo sida ay muhiim u tahay in la xushmeeyo dhamaanba diimaha iyo kutubta barakeysan, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo gubida soo laalaabatay ee quraanka Kariimka.

Ninkan oo da’diisu ay 30-jir tahay, isla markaana ay booliiska Stockholm siiyeen ruqsadda mudaaharaadka, ayaa sheegay in falkan oo kale uu noqon doono mid ka dhan ah Quraanka Kariimka ah, “ma gubi doono waana ka tanaasulay” ayuu yiri

“Anigu waxaan ahay Muslim, ma gubno (kutub). Waxaan rabaa in aan tuso in aan is ixtiraamno,” ayuu yiri ninkan, sida laga soo xigtay warbaahinta SVT, isaga oo intaa ku daray in uusan wax niyad ah u haynin in uu xaqiijiyo qorshihiisa.

Fasaxa ninkan loo siiyey inuu gubo labada kitaab oo ka yimid maxkamad ku taalla Sweden ayaa aad looga cambaareeyay meelo ka mid ah adduunka.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa horey ugu baaqay dowladda Sweden inay joojiso mudaaharaadka lagu gubayo kitaabada Towreedka iyo Baybalka.

Madaxweynaha Israa’iil ayaa sheegay inuu ka soo horjeedo gubida kutubka dhamaanba diimaha kala duwan oo uu ku jiro Quraanka.

“Anigoo ah madaxweynaha dawladda Israa’iil, waxaan cambaareeyay gubitaanka Quraanka, oo ah mid muqadas u ah Muslimiinta adduunka oo dhan, waxaana hadda aad uga xumaaday in isla qaddarkaas uu sugayo Baybalka Yuhuudda, oo ah kitaabka daa’imka ah ee Yuhuudda,” ayuu yiri Isaac Herzog oo aan hadlin markii la gubayey kitaanka Quraanka, balse qeylada bilaabay markii la go’aamiyey in la gubo kitaabka Towreed iyo Bible-ka Masiixiyiinta.

Sweden ayaa dhawaanahan la kulmaysay dhaleecayn xoogan oo uga imaanayay wadamada Muslimka ah, kadib markii ay ogolaadeen in dadka mudaaharaadaya ay ku gubaan qur’aanka kariimka ah banaanbaxyada yar yar ee ka dhanka ah Islaamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad Carbeed oo Khuburo Farsamo u dirtay Garonka Kabul si ay u taageeraan Taliban

Cabdi Cade

Weerar lagu qaaday goob Al Shabaab qaraxyo baabuur ku diyaarinayeen iyo khasaaro …

Cabdi Cade

Xarig loo geestay Samar Badawi oo Xiisad ka dhax abuurtay Sacuudiga iyo Canada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---