Allbanaadir.com
NEWS

Ajaaniib dooneysay in ay ku biiraan kooxda Al Shabaab oo gacanta lagu dhigay

Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo u dhashay dalka Tanzaaniya, kuwaa oo doonayay in ay u safraan Soomaaliya si ay ugu biiraan kooxda hubeesan ee Al Shabaab .

Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahisay in labadan nin ee ajaaniibta ah lagu qabtay magaalada Mooyaale ee xadka Kenya iyo Itoobiya, waxa ayna sheegeen in raggan kusii jeedeen Soomaaliya si ay uga dagaalamaan.

Labada nin ee gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka dalka Kenya kana soo jeeda dalka Tanzaaniya ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdiraxmaan Shaffi Mkwatili oo 25 jir ah iyo Sadam Jafari Kitia oo 30 jir ah.

Raggan ciidamada Kenya qabteen ayaa qirtay in ay kusii jeedeen gudaha Soomaaliya ayna doonayeen in ay ku biiraan Al Shabaab, labadan nin ee la qabtay ayaa la sheegay in ay ku wajahnaayeen magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhaxe.

Qabashadan raggan ayaa kusoo aadeysa xilli isbuucyo kahor sidan oo kale isla deegaankan loogu qabtay saddex nin oo iyana kasoo jeeday dalka Tanzaaniya, kuwaa oo iyana doonayay in ay u safraan gudaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Imaaraadka Carabta oo War lama filaan ah ka soo saartay qaraxii Afgooye

Caydiid Ali

Madaxweyne Xaaf oo hadalo aan looga baran ka jeediyey shirka Madasha Iskaashiga Somalia

Caydiid Ali

Dowlada oo Diyaarisay Ciidamadii qaban lahaa Kismaayo iyo Cabsi xoogan oo jirta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---