Allbanaadir.com
NEWS

Nin gacan ku dhiigle baxsad ahaa oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Ciidamada booliiska gobolka Banaadir , gaar ahaan kuwa ka howlgala saldhigga degmada Wadajir ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay in uu dil geestay kana baxsanayay gacanta laamaha ammaanka.

War kasoo baxay taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ninkan dilka lagu eedeeyay xalay gacanta kusoo dhigeen ciidamada booliiska, waxa ayna sheegeen in ninkan la hor-geyn doono caddaaladda.

”Taliska qeybta guud ee booliiska gobolka Banaadir, gaar ahaan saldhigga boliiska Wadajir ayaa gacan kusoo dhigay eedeysane fal dil ah horey uga geetay muwaadin, kana baxsaday goobta uu falka ka dhacay, ugu dambeena gacanta lagu soo dhigay waxaana la hor geyn donaaa caddaalada” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliiska.
Ciidamada booliiska ee ka howlgala Muqdisho oo kordhiyay howlgalada sugida ammaanka caasimadda ayaa marar badan gacanta kusoo dhigay rag lagu eedeeyay in ay geesteen dilal kala duwan, kuwaa oo ku dhuumaaleesanayay qeybo kamid ah caasimadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukun adag oo lagu riday Masuul hore lagu helay in Al Shabaab la shaqeenayay

Cabdi Cade

Maxkamadda Ciidamada oo Go’aan kasoo saartay Wiil dhaawac ahaa oo la isku qabsaday

Cabdi Cade

Akhriso Liiska Wasiirada ka banaan Xukuumada Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre

Cabdi Cade
Taboola Ads ---