Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo caawa Guddoomiyay kulan arrin xasaasi ah looga arrinsaday (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Shir gudoomiyay kulan lagaga hadlayay dardar galinta howlgalada kasocda deegaanada Jubaland ee lagu cirib tirayo kooxaha khawaariijta ah iyadoo Madaxweynahu uu warbixin la xiriirta howlgalada socda ka dhagaystay Sarakiisha Ciidamada.

Kulanka Waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga General Yusuf Osman iyo taliyayaasha Ciidamada iyo Hay’adaha amniga Jubaland iyo Ciidamada Xooga dalka.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay shaqada adag ee ay hayaan Ciidamada kala duwan ee Howlgalka ku jira kuwaas oo jab xoogan gaarsiiyay maalmahii lasoo dhaafay kooxaha Khawaariijta ah.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in howlgalada ilaa hada la sameeyay laga gaaray guulo wax ku ool ah oo ay ku diirsadeen shacabka loona baahan yahay in lasii joogteeyo si cadowga la isku raaciyo.

Madaxweynaha ayaa shacabka ree Jubaland ugu baaqay inay garab istaagan Ciidamada howlgalada ku jira oo u dhimanaya una dhaawacmaya sidii Khawaariijta looga hor wareejin lahaa shacabka ay dhibka ku hayaan.

Related posts

Taliyihii Xabsiga dhexe ee Xamar oo shaqada laga joojiyey

Caydiid Ali

Soomaaligii 3aad oo 24 saac gudahood lagu dilay Magaalada Cape Town

Caydiid Ali

Doorashada kursiga HOP86 oo loo soo wareejiyey Muqdisho (Akhriso Jadwalka)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---