Arar
Weedha “suugaanta carruurta” waxaa halkan loola jeedaa sheekooyinka, maansooyinka, carrabjalqada, googgaalaysiga, hiinaysiga iyo tix ama tiraab kasta ee loo adeegsado maaweelada iyo koolinta carruurta. Suugaantan asalkeeda waxaa loo tixraaci karaa saddex ilood. Tan koowaad, waa mid ay Soomaalidu curisay, badankeeduna ka timid bulshada reer miyiga ah. Suugaantan ayaa la oran karaa waa tan ugu saamayn badan maadaama ay xiriir fog la leedahay xusuusta wadareed iyo dhaqanka Soomaalida, waana tan ugu badan ee laysu weriyo. Qaybta labaadna waa suugaan diimeed oo ka timaad dhacdooyinka ku xusan Quraanka, xaddiista iyo sheekooyinka ambiyada ama dadkii wanaagsanaa ee hore. Suugaantan inteeda badan waxaa laga daalacdaa golayaasha waxbarashada, barnaamijyada warbaahinta ee maaweelada carruurta iwm. Qaybtani, inteeda badan dadyow kale ayaa keydiyey, Soomaaliduna way xigataa oo qura, se waxay leedahay saamayn weyn oo xagga anshaxa ah. Qaybta saddexaad ee suugaanta carruurtu waa mid laga soo minguuriyey afaf qalaad, waxayna ku badan tahay buugaagta iyo filimada carruurta ee la soo turjumay. Qaybtani kuma badna Soomaalida dhexdeeda balse waa arrin soo koreysa oo la saanqadaysa saamaynta edegowga (the globalization) ee dardarta leh. Tan dambe ayaad mooddaa in ay jaanduugayso kuwii asalka ahaa ee xiriirka dhabta ah la lahaa dhaqanka iyo sooyaalka Soomaalida. Sidaas awgeed, qormadani waxay isku dayeysaa in ay iftiimiso waxtarka ay suugaanta hidddaha ahi u leedahay carruurta, sida ay u sii dhumayso, iyo xalka lagu badbaadin karo intaba.
Suugaanta Carruurta Soomaaliyeed
Hadaaqu waa horseedka hadal barashada, waa goorta ilmuhu ay baranayaan sida codka loo soo saaro. Xilligan uu ilmuhu hadaaq baradka yahay waa muhiim in waalidku ay la hadlaan iyo weliba in loo heeso, taas oo muhiim u ah dareenka iyo caafimaadka ilmaha iyo in waalidku ku guuleysto dadaalka uu ugu jiro barbaarinta xagga maskaxda ah ee ilmihiisa. Heesaha carruurta oo ah dhaqan guun ah ayna caan ku tahay Soomaalida reermiyiga ahi waa dugsi ka soo bilawda dherebta. Dugsigaasi waa isha koowaad ee ay ilmuhu ka ambaqaadaan barashada afka iyo weliba qurxinta codadka erayada la adeegsanayo. Aqoonyahanno badan ayaa qabo in heesuhu ay door ku yeeshaan kordhinta kalsoonida, hal-abuurka, foojignaanta iyo xusuusta ilmaha. Waxaa iyadana la maleysan karaa in dareenkaas wanaagsani aanu keliya saamayn ku leheyn ilmaha balse uu sidaas oo kale taabanayo qofkii uu ka imanayey oo ah hooyada lafteeda. Marmarka qaar, heesuhu waa aalad loo adeegsado welweltir, aamusin, hurdisiin iyo dhiirigelin. Sidii ay ahaataba, erayadaasi waxay raadad iyo saamayn togan oo qurxan uga tagaan maanka ilmaha, iyaga oo xoojinayo xiriirka jaceyl ee ka dhexeeya hooyada iyo ilmaheeda ayey haddana dhanka kale gogolxaar suubban u noqdaan af barashada carruurta. Intaas uu ilmuhu dhegeysanayo codka qurxan ee hooyada, waxay maskaxdiisu kaydineysaa erayada uu maqlayo taas oo deddejisa hadal barashadiisa. Dhanka kale, hooyada lafteeda ayay heesuhu u yihiin madaddaalo iyo maaweelo ay isku ilawsiiso dhibta iyo daalka ka dhasha duruufaha nolosha iyo shaqada.
Waagii hore, marka uu ilmuhu hadal barto ayuu durbadiiba la kowsan jiray mawjado suugaan ah oo hadba dhanka uu jalleeco nolosha iyo heerka uu joogo ayuu si maalinle ah u baranayay murtida iyo hees-hawleedka ay Soomaalidu caanka ku tahay. Waa heeso markaad dhuuxdo aad jeclaysanayso habka la isu saaray, hannaanka loo qaado iyo nuxurka falsafadeed ee ku keydsan. Kolka ay ilmuhu koraan, waxay ku siqayeen badweyn murti ah oo da’dooda la gudboon. Hawl kasta oo la qabanayo waxay laheyd hees ku habboon iyo weliba jiib iyo jaan
looga dhigo laxan, sida ka muuqata murtidaan “hawl yaqaannadu; heesta koley tahay; waa helaanoo; waa hamadiyaan.” Hees-hawleedka waxaa dhinac socday suugaan kale oo miisaan weyn oo ay ka baranayeen ilmuhu goobaha wiglada, wilisaqada, dhaantada iyo ciyaaro dhaqameedka kale ee barbaaartu ciyaarto. Goobaha iyo golayaasha guurtida oo ahaa kuwo u furan dadweynaha ayaa iyaguna ahaa ilo kale oo laga baran jiray maahmaahda, sarbeebta, iyo suugaanta oo lagu tebinayo taariikhda iyo dhaqanka suuban. “Waayadii hore iyo miyiga ilmuhu wuxuu dhex imaan jirey bulsho aqoonta, aftahammada, hufnaanta, hayalsamida, miyirka iyo miisaanka ka siman oo jiibta iyo jaanta, tacabka iyo tabaha nolosha qof keliya ah” (Maxamed I. Hadraawi) In kasta oo aan xagga Soomaalida, daraasad dhab ah lagu samayn heerka ay laantani ku leedahay kobcinta garaadka ilmaha, haddana aqoonyahanka Soomaaliyeed waxay muujiyaan sidii in ay dugsi aqooneed ahayd oo kale. “Suugaanta
carruurtu weligeedba waxay ahayd isha koowaad ee ay ilmuhu ka bartaan dhaqanka san, afka,
iyo habkii ay ula falgeli lahaayeen bey’ada iyo bulshada” (Caliqeyr M. Nuur). Arrimahaas aan soo sheegnay iyo kuwa kale oo badan ayaa horseeday in Soomaalida loo aqoonsado inay yihiin aftahanno. Dhaqankaas soo jireenka ahaa haatan waa sii dabargo’ayaa, taas oo ay sababtay u hayaamiddii magaalooyinka oo aan oran karno waa habnololeed aan weli xasilin. In badan, waxaa la isku qaldaa “afmiishaarnimo” iyo “aftahamo.” Afmiishaarnimadu waa kolka qofku ku meelmariyo waxa uu doonayo codkarnimo dhagar huwan, dhankii laga eegana waa arrin taban balse uu dhaqanka magaaladu si aayar ah u caadiyeeyey.
Ilmuhu haddii uu noqdo mid aan cod ahaan u muujin karin dareenkiisa wuxuu beddelkeeda noqonayaa mid awooddiisa iyo dareenkiisa ku muujiya fal, taas oo ilmaha ka dhigaysa mid had iyo jeer caraysan, dagaal badan oo aan kasban saaxiibbo uu waqti la qaato, la tashado, waxna la qabsado. Sidaas awgeed, aqoonta erayada iyo adeegsigooda, ama xirfadda qurxinta warku waxay ilmaha ka anfacdaa xiriirkiisa aasaasiga ah, waana aqoon la korta hadba da’diisa. Ugu dambeyn, qofka afmaalnimadaas ku soo barbaaray, waxaa laga filanayaa in uu naftiisa iyo danaha bulshada waxtar weyn u yeesho mustaqbalka.
Faa’iidada aftahamada
Aftahamadu waa awoodda uu qofku u leeyahay inuu fikraddiisa si wanaagsan hadal ugu cabbiro. Waa codkarnimo lagu laray xirfad wartebin oo ka soo burqanaysa waaya-aragnimo ka soo bilaabatay xilligii dherebta. Waa astaamo ay jeclaayeen anbiyadii Alle SW sida ku xusan Quraanka markii uu Nebi Muuse (cs) lahaa “Rabbiyow guntinta ka fur carrabkayga, si ay u fahmaan hadalkayga” (20:27). Aayadahaasi waxay caddeyn u yihiin mudnaanta ay
leedahay aftahamada si dadka loola xiriiro oo weliba afkaar looga dhaadhiciyo. Waa tilmaamo uu lahaa suubanaheennii Maxamed (scw) oo waxaa lagu sifeeyay inuu lahaa aftahamo aan wax loo dhigaahi jirin, kuna hadli jiray hadal xeeldheer oo dadka uu la hadlayo saameeya oo loo hogto. Wuxuu adeegsan jiray murti wax badan soo koobaysa. Wuxuu yiqiin lahjadaha Carabta oo qolo kasta lahjaddooda ayuu kula hadli jirey. Wuxuu yaqaanay hadalka reer miyiga oo murtida badan iyo kan reer magaalka ee dabacsan oo cid kasta oo uu la xiriirayo wuxuu kula hadli jiray af u cuntama. Waxaa sidaas oo kale caan ku ahaa aftahamada
qaar ka mid ah hoggaamiyaashii Muslimiinta sida Cali bin abu Daalib rc oo uu Nabigu scws yiri “Waxaan ahay magaaladii cilmiga, Calina waa [magaaladaas] iriddeedii …,” isaga oo tilmaamaya awoodda cilmiga iyo afka ee uu saxaabigu lahaa.
Aftahamadu waa astaan togan oo aan laga maarmin, gaar ahaan aqoonyahanka doonaya inuu aqoontiisa gudbiyo iyo hoggaamiyaha raba inuu garaadka dadka la hadlo si uu uga dhaadhiciyo afkaartiisa. Aristotle oo loo yaqaan aabbihii aftahamada, wuxuu curiyay argti la yiraa “Saddex-xagalka Aftahamada” wuxuuna ku sifeeyay in hadalka laga helo saddex arrin oo kala ah: aaminaad, maangalnimo iyo dareen (ethos, logos & pathos). Aftahamadaas ay caanka ku ahayd Soomaalidu, haatan waa sii dabargo’aysaa. Taas oo dadka ka faallooda aysabab uga dhigaan saddex arrin oo kala ah:
In magaalo geliddu badatay oo miyigii laga soo Sidaasna looga guuray qayb badan oo ka mid ah erayadii iyo weliba suugaantii nolosha miyiga la xiriiray.
In afkii mucda iyo awoodda lahaa laga Sidaasna ay ka abuurmeen erayo marinhaabay iyo af magaalo oo aanay jirin cid aqoon ahaan u hagta.
In aanay magaalada ka jirin fursaddii miyiga ee barashada afka iyo Halkaasna ay fursad ka heleen afaf shisheeye oo si sibiq ah u guriyey hodontooyadii af Soomaaliga.
Dhibkaas oo weli taagan ayaa haddana waxaa jiri kara arrimo lagu yarayn karo saamaynta nolosha casriga ah ee magaalada iyo edegowgu ku yeesheen suugaanta carruurta. Habka ugu haboon ee lagu dabaqaban karo in uusan baabi’in dhaxalkaas faca weyn waa in ilmaha loo akhriyo buugaag iyo in la helo matxafyo qaran oo lagu kaydiyo dhaqanka iyo sooyaalka bulshada. Tubtani waa midda ay dadyowga qarniyada badan degganaa magaalooyinka waaweyn ee dunidu aftahamadoodii ku badbaadsadeen. Dalalka Yurub ayaa bilawgii qarnigii 18aad si heer sare ah u tixgeliyay buugaagta carruurta, taas oo dhaxalsiisay in suugaanta ilmuhu baaqi noqoto. Dadaalkaas wuxuu sababay in ay shanta buug ee ugu caansan buugaagta
carruurta dunida ay qoreen qorayaal reer Yurub ah. Sida lagu qoray mareegta ‘AdHoc
Translators’ shanta buug oo horyaalka u ah buugaagta carruurta ee dunida kuwaas oo loo rogay afafka dunida intooda badan waa:
- “Le Petit Prince” oo uu qoray Antoine De Saint, 1943 oo ahaa Faransiis ayaa loo turjumay 300 oo
- “Le Avventure Pinoccio” oo uu qoray Carlo Collodi 1883 oo ahaa Talayaani ayaa
loo turjumay 260 af.
- “Alices Adventures Wonder Land” oo uu qoray Lewis Carrol (Charles Lutwidge Dodgson) 1865 oo ahaa Ingiriis ayaa loo turjumay 174 af.
- “H. C Andersens Äventyr” oo uu qoray C. Andersen 1835 oo ahaa reer Danmark ayaa loo turjumay 153 af.
- “Pippi Långstrump” oo ay qortay Astrid Lindgren 1945 oo ahayd reer Sweden ayaa loo turjumay 70
Horumarinta doorka suugaanta ilmaha ilaa heerkaas ayay goor hore dadyowga dunidu ku baraarugsanaayeen. Kolka xagga Yurub la eego, arrintaas ayaa sabab u ahayd in isha koowaad ee af kobcinta aan wax dhantaal ahi ku imaan, balse si taas ka duwan, af Soomaaliga waxaa ku socda burbur iyo hoos u dhac gaaray heer ay qayladhaan ka soo saartay hey’adda UNESCO. Sidaas darteed, jidka xalka loo marayo waa in uu ahaadaa gargaar degdeg ah, iyada oo arrinka loo arkayo in uu yahay maslaxo qaran oo gedmanaysa haddii aan olole dhab ah loo gelin.
Buugaagta Carruurta
Ilmaha magaalada ku nool sida keliya oo ay ku baran karaan afka waa in loo curiyo loona akhriyo buugaag ay ka bartaan dhaqanka iyo suugaanta. Hubaal, ilmaha oo yaraanta loogu
akhriyo buugaagta carruurta waxay kor u qaadeysaa awooddooda afeed, akhriska iyo qoraalka, curinta iyo dhuuxidda nuxurka sheekadda, suugaanta, iyo weliba aqoontooda guud. Sidaas oo kale waxay korinaysaa garashada doorka ay bulshadooda ku leeyihiin, xilkasnimada, iyo weliba aqoonsiga (identity) ay isaga dirsoocaan dadyowga kale. Haddii aan taasi dhicin waxaa imaan doonta in ay suugaanta ilmuhu dabargo’do dabadeedna ay noqdaan afgaroocyo aan dood iyo hadal wadaagi karin. Sidaas oo kale, ay lunto astaanta aqoonsiga Soomaalinnimo oo afka ah.
Tixraac
Aw Cabdiqani Xasan. 2020. Ababinta Toosan. Stockholm.
Caliqeyr M. Nuur. 2009. Abtirsiinta Erayga Afsoomaaliga. Stockholm. Maxamed I. Hadraawi. 2021. Hawaala Warran. Hargeysa.
W/ Q Aw Cabdiqani Xasan Muxumed
Stockholm, Sweden
gababdigani@gmail.com