Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

La taliyaha Xassan Shiikh oo ka falcelisay talaabo uu qaaday Golaha Wasiirada

La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xakameynta qul-qulka hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya Marwo Makko Maxamuud Muuse ayaa soo dhoweysay anixisinta Hindiso sharciyeedka hubka Soomaaliya oo maanta Golaha Wasiirada ay ansixiyeen.

Waxay sheegtay in sharcigaan uu muhiim u yahay in la xakameeyo hubka sharci darrada ah, islamarkaana tallaabadan lagu xoojinayo in hay’adaha dowladda kaliya ay gacanta ku hayaan awoodda dalka.

“Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka Golaha Wasiirada sidoo kale waxaa ka go’an dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh in guud ahaan dalka laga sifeeyo hubka sharci darrada ah si looga hor tago falalka amni darrada ah, Soomaaliyana looga qaado cunaqateynta hubka” ayey ku tiri qoraal ay soo saartay Marwo Makko.

Shirkii Golaha Wasiirrada ee maanta ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Hubka Soomaaliya iyo Xeerka Amniga iyo Bedqabka Xurumaha Dowladda, Amniga Hotellada, Goobaha Ganacsiga iyo Xarumaha adeegyada Bulshada kaa oo muhiim u ah qorshayaasha amni ee dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Abiy Axmed oo shaaciyay xiliga lasoo gaba gabeenayo Howlgalka ka socday Gobolka Tigrey

Cabdi Cade

Haweeney dishay nin ay saaxiibo ahaayeen kadibna hilbihiisa karsatay !!

Cabdi Cade

Wasaarada Amniga Gudaha oo soo bandhigtay 14-Farsadood oo Shaqo ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---