Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xulalkee Somalia la ciyaareysaa isreeb reebka Koobka Adduunka ee 2026? (Akhriso)

Waxaa xalay la sameeyay isku aadka dalalka Afrika ee isreeb reebka koobka aduunka ee 2026, waxaana Soomaaliya ay gashay group-ka G.

Isreeb reebka cayaarahan oo socon doona muddo ku dhaw 2 sano ayaa dal kasta oo Afrika ah waxaa uu dheeli doonaa 10 cayaarood oo uu ugu loolamayo inuu u soo baxo ka qeyb galka kooba aduunka.

Soomaaliya waxey gashay Group G, waxeyna kula mideysan tahay shan wadan oo qiimeyn ahaan ka sarreeya dalkeena kuwaasoo kala ah:-

  1. Algeria
  2. Guinea
  3. Uganda
  4. Mozambique
  5. Botswana
  6. Somalia

Waxaa la ciyaari doonaa kulamo (Home-Away) ah, dal walba wuxuu ciyaari doonaa 10-kulan.

Lixdaan wadan kaliya waxaa laga rabaa inuu hal wadan kasoo baxo, si uu uga qeybgalo koobka Adduunka 2026.

Kulmada ugu horreeya ee guruubyada ayaa la cayaari doonaa inta u dhaxaysa 13-ka ilaa 21-ka bisha Novembar halka kulamada ugu dambeeyana la cayaari doono inta u dhaxaysa 6-da ilaa 14-ka bisha Oktoobar ee sanadka 2025-ka.

Jabuuti ayaa iyaduna ku jirta Group A, waxayna ku aadantahay waddamada kala ah Masar, Burkina Faso, Guinea-Bissau, Sierra Leone iyo Itoobiya. Waxayna haatan bilowday diyaargarowga kulamadaas.

Wadamada kaalmaha labaad kusoo baxo, 8 ka mid ah (9-ka Group) ayagana rajo (playoff) ah ayey ka qabaan ka qeybgalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Norway oo aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey shirka Madaxda dowlad goboleedyada maanta uga furmaya Kismaayo

Caydiid Ali

Maraykanka oo dal Muslim ah ka saaray liiska dowladaha taageera argagaxisada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---