Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo ka hadlay geerida Prof. Max’uud Macallin Cali Tuuryare

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, ehelka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Prof Maxamuud Macallin Cali Tuuryare.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu ahaa aqoonyahan ku xeeldheer Qaanuunka Caalamiga, isagoo ummadda Soomaaliyeed si mutatawacnimo iyo hufnaan leh ugu soo adeegay aqoontiisa iyo khibraddisa sharci, gaar ahaan kobcinta aqoonta, dhisidda garaadka da’yarta iyo kor u qaadidda fahamka bulshada ee nidaamka dowladnimada casriga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Related posts

Safiirka Qadar Ujooga Soomaaliya oo kulan gaar ah la qaatay Axmed Madoobe (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamo xoog ku joojiyay Siminaar Muqdisho uga socday Xisbiga Wadajir (Daawo Sawiro)

Cabdi Cade

Soomaali laga soo daad-gureeyay Colaada Sudan oo Muqdisho laga soo dejiyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---