Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) War Murtiyeed ka soo baxay shirkii Wadatashiga DF & Madaxdii hore

Waaxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay kulanka Wadatashiga ee u dhaxeeyay Hay’adaha Dastuuriga ah ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,  madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka.

Shirka oo socday muddo labo cisho ah ayaa qodobadii looga hadlay waxa ay u badnaayeen arrimaha masiiriga ee dalka, gaar ahaan heshiisyada ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka, waxaana ka mid ahaa qodobadii talooyinka laga dhiibtay ku saabsanaa heshiisyada Golaha Wadatashiga Qaranka.

1. Nuuca doorashada ee dalka

2  Nidaamka Madaxtinimada ee dalka

3. Nidaamka xisbiyada badan

4. Guddiga doorashada Qaranka

5. Mideynta muddo xileedka Hay’adaha Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada

6. Habraaca dhameystirka iyo dib u eegista Dastuurka KMG ah

Kulanka waxaa lagu bogaadiyey Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya dadaallada dalka looga ciribtirayo khawaarijta iyo guulaha laga gaaray, waxaana lagu baaqay in loo midoobo la dagaallanka argagixisada nuuc waliba oo ay tahay.

Kulanka waxaa kaloo lagu bogaadiyey dadaallada dowladda ee deyn cafinta iyo dhameystirka hannaanka dowlad dhiska Soomaaliya iyo in ciidamada Qaranka ay si buuxdo ula wareegaan amniga

Kulanka waxa uu bogaadiyey doodaha dhameystirka dowlad dhiska Soomaaliya ee soo socday, waxaana uu dareen ka muujiyey ka maqnaanshiyaha Puntland ee Wadatashiga arrimaha masiiriga, waxaana lagu baaqay in ay muhiimtahay ka qeybgalka.

Shirka galabta lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ayaa noqon doonin kii ugu dambeeyay oo looga tashado arrimaha masiiriga ah ee dalka, waxaana jiri doona kulamo kale oo nuucaani oo kale ah.

HOOS KA DAAWO AFHAYEENKA OO AKHRINAYA WAR MURTIYEEDKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal Yurub kuyaala oo Aqoonsaday Baasaboorka Soomaaliya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Koonfurta Gaalkacyo (Sawirro Cusub)

Caydiid Ali

Farmaajo oo ku jahwareersan beesha uu ka xulan lahaa R/Wasaaraha iyo labo beel oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---