Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qaraarkii QM ee ka dhanka ahaa Kitaab gubista oo guulaystey (Dalalka diiday & kuwa aqbalay)

Golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay oo aad u kala qaybsan ayaa ansixiyay qaraar muran dhaliyay oo wadamada ku booriyay inay wax ka qabtaan, ka hortagaan oo ay dacwad ku soo oogaan falalka iyo u doodista nacaybka diimaha, kadib dhowr nuqul ka mid ah kitaabka Qur’aanka lagu gubay Sweden iyo dalal kale oo Yurub ka tirsan.

Qaraarkan ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay Mareykanka, Midowga Yurub iyo dalal kale oo reer galbeed ah, kuwaasoo ku dooday inuu ka horimaanayo shuruucda xorriyatul qawlka. Arbacadii, ayaa qaraarka la meelmariyay, 28 dal ayaana u codeeyay, 12 dal way diideen, 7 way ka aamuseen.

Nin ka soo jeeda dalka Ciraaq ayaa dhowaan caro xooggan laga muujiyay guud ahaan dunida Muslimka, kaddib markii uu jeexjeexay bogag Qur’aanka Kariimka ah, isagoona sidoo kale qaar ka mid ah kabaha ku masaxay qaar kalena ku gubay bannaanka masjid ku yaalla magaalada Stockhom xilli lagu guda jiro munaasabadda Ciidul-Adxa.

Safaaradda Sweden ee Baqdaad ayaa muddo kooban la weeraray, Iran ayaa joojisay inay safiir cusub u soo dirto Stockholm, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa cambaareeyay mas’uuliyiinta Sweden, waxayna ka codsadeen golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ee fadhigiisu yahay Geneva inuu ka doodo arrintan.

Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan, Bilawal Bhutto Zardari, ayaa sheegay in falalkan oo kale ay yihiin hurin nacayb diineed, takoorid iyo rabshado..

Waxaa dad badan ka yaabiyey in iyagoo si adag u cambaareeyay markii hore gubidda Qur’aanka ayaa hadana dalalka reer galbeedka waxay difaaceen xoriyatul qawlka, waxayna ka diideen iney u codeeyaan qaraarkan.

HOOS KA DAAWO DALALKA OGOLAADAY, KUWA DIIDAY IYO KUWA KA AAMUSAY

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo la kulmay Kamel Rezig una gudbiyay Fariin Madaxweyne

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Lafta Gareen oo lagu dhax canaantay xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---