Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Madaxweyne Xassan Shiikh oo shir kale ka daahfuray Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa daahfuray shir heer caalami ah oo lagu midaynayo barnaamijka Wasaaradda degaanka iyo Isbeddelka cimilada ee Soomaaliyada Cagaaran iyo Great Green Wall initiative oo ay ku mideysan yihiin 11 waddan, ayna Soomaaliya ku noqonayso 12-aad.

Wasiirka deegaanka iyo isbadelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Almaqsuumi ayaa faah faahisay Hindisaha Cagaarinta Afrika ee Madaxweynuhu daahfuray.

Wasiir Khadiijo ayaa sheegtay in ay Soomaaliya muddo dheer ay wajahaysay Xaalufka Deegaanka iyo isbadelka Cimilada oo ay sababtay dhibaatooyin dhanka Fatahaadaha, Abaaraha, Daadadka iyo xeebaha oo ay soo buux dhaafiyeen bacaad fara badan  oo ku soo guuray, taas oo dhibaato ku noqday Deegaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagoo ka duulaya dhibaatooyinka soo wajahay Degaanka waxa uu ku dhawaaqay qorshaha Deegaanka Cagaaran si wax looga qabto dhibaatada Deegaanka.

Shirkan ayaa ku soo aadaya xili Madaxweynaha Mudane Xassan Sheekh Maxamuud uu shalay Muqdisho ka furay shir wadatashi ah oo ay wada qaadanayaan Madaxdii Hore iyo siyaasiyiinta dalka, kaas oo lagu gorfaynayo xaaladda dalka, amniga, ciribtirka al-shabaab, dib u eegista dastuurka, dimuqoraadiyeynta iyo doorashooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Jaamacadda Jamhuuriya oo bilowday todobaadka Jiheynta

Cabdi Cade

Qaraxyo xoog leh oo ka dhacay Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo wasiirro badan xilka ka qaaday kuwa cusubna magacaabay (Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---