Allbanaadir.com
NEWS

Saadaad Maxamed Nuur oo la wareegay xilkii Ra’isul Wasaare Xamse u magacaabay (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta goobjoog ka ahaa munaasabadda uu xilka kula wareegayay Wasiiru dowlaha cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Sadad Mohamednor Alio kaas uu xilkaas dhawaan usoo magacaabay Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre.

Munaasabadda Xil wareejinta ee Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Caydaruus Macallim Xasan, Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda iyo La-taliyayaasha.

Wasiiru Dowlaha Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Saadaad Maxamed Nuur Caliyow oo munaasabadda xilwareejinta ka hadlay ayaa ballan qaaday in uu waajibkiisa qaran u gudan doono si daacadnimo ah oo waafaqsan dastuurka dalka iyo shuruucda Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.

“Waxaan u mahadcelinayaa Wasiirka oo maalinta la ii magacaabay ilaa hadda ku howlanaa xilwareejinta, Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Agaasime waaxeedyada, lataliyeyaasha iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda” ayuu yiri Wasiiru dowle Saadaad.

Ugu Dambayn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi oo munaasabadda xil wareejinta ka hadlay soo dhoweyn kadib kula dardaarmay Wasiiru Dowlaha cusub ee Wasaaradda in u guto waajibkiisa Qaran.

“Wasaaradda shaqo ballaaran ayaa ka socota, una baahan ruux adiga oo kale ah, oo shaqadaas qeybta uga aaddan ka qaata” ayaa ka mid ahaa hadaljeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha, mudane Ahmed Moallim Fiqi.

Related posts

Xassan Shiikh oo bilaabay Wadatashiyo la xiriira RW cusub & shaqsiyaad la hadal hayo

Caydiid Ali

Daawo:- Khudbadihii ay is dhaafsadeen RW Rooble & Midowga Musharaxiinta

admin

Cabdirashiid Janan oo ka hadlay Wararka sheegaya in Heshiis la galay Dowlada Federaalka

Cabdi Cade